Animation

Alshabaab oo isku diyaarineysa in dagaal adag ay la gasho dowladda Farmaajo iyagoo ciidamo badan soo dhoobay……

no responses
Monday November 13, 2017 - 12:37 under Somali News by admin
mqdefault
Spread the love

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

Iyadoo maalmahan dambe dhaqdhaaqyo ciidan oo kala duwan uu ka socdo Gobolada Shabellaha hoose iyo Shabellaha Dhexe, ayaa wararka ka imaanaya duleedka Degmada Afgooye waxa ay sheegayaan Shabaab ciidamo badan inay soo dhoobeen halkaasi.

Ciidamadan Shabaab ay soo dhoobeen duleedka Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha hoose ayaa laga kala keenay Gobolada Galgaduud iyo Shabellaha hoose, sida Saraakiil ka tirsan Dowladda ay xaqiijiyeen.

Xoogaga Shabaab ayaa doonaya inay culeys Militari saaraan Degmada Afgooye, maadaama halkaasi uu ka socdo dhaqdhaqaaq ciidan oo ay wadaan ciidamada dowladda.

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

Nin ka mid ah Beeraleyda duleedka Degmada Afgooye oo magaciisa qariyay, ayaa sheegay in xalay beertiisa ay soo galeen dagaalyahano ka tirsan Shabaab oo isku sheegay, islamarkaana u sheegay inaysan cabsoonin.

Ciidamada Shabaabka ayaa ku lugeynaayay qaab Evantari ah, gaadiidka dagaalka ayaa la sheegay inay uga soo tageen duleedyada fog ee Degmada Afgooye.

Sidoo kale waxaa xusid mudan Shabaab in ciidamo badan ay soo dhigeen deegaanka Basra, si ay isaga caabiyaan dhaqdhaqaaqa ciidan ee ay wadaan ciidamada dowladda.

Dowladda Somaliya ayaa ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah Ururka Shabaab, balse sida muuqata dowladda wax horumar ah kama aysan sameyn dagaalada ka dhanka ah Shabaab.

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.