Alshabaab oo Ilaa iyo Amar dambe mamnuucday Garoomada kubbada Cagta ee ku yaala Makka Al-mukarama

0

Alshabaab ayaa xanibaad kale kusoo rogtay garoomada yar yar ee salaxa loo yaqaan kuwaas oo ku yaala wadada makka Al-mukarama.

Milkiilayaasha qaar kamid ah garoomada ku yaala makka al-mukarama ayaa lagala soo xiriiray taleefoon waxaana loo sheegay in ilaa iyo amar dambe ay xiraan garoomada salaxyada loo yaqaan ee dhalinyaradu ku cayaarto.

Mid ka mid ah dhalinyarada doonaysay galabta inay ku ciyaaraan Kubadda Cagta Salaxa ku yaallo dhabarka dambe ee Hotel Maka Al-Mukarama, ayaa Milkiilaha Garoonka wuxuu u sheegay inay iska xireen Garoonka illaa amar dambe, kadib amarka Shabaab ay soo bixiyeen.

Qaar ka mid ah dhalinyarada Xaafadaha Hodan, H/wadaag, Waabari iyo Wardhiigley ayaa sheegaya in xalay Al-Shabaab la soo xiriireen Milkiilayaasha Garoomada kubadda cagta ee ku yaalla degmooyinkaas, kuna amreen in la xiro.

Garoomada lagu amray in la xiro ayaa ku yaalla agagaarka Wadada Maka al-Mukarama illaa agagaarka Madaxtooyada, waxaana si isku mid ah loogu wargeliyay inay joojiyaan illaa amar dambe.

Amarka alshabaab ayaa inta badan ka dhaqan galay garoomadii xanibaada ay kusoo rogeen waxaana inta badan xiran garoomada ku yaalla dagmooyinka Yaaqshiid, Hiliwaa, Kaaraan, iyo dayniile.