Somali News

Alshabaab oo gudoomiye cusub u magacaabay Gobolka Banaadir.

Xarakada Al-shabaab ayaa guddoomiye cusub u soo magacowday gobolka Banaadir kadib markii duqeyn lagu dilay mas’uulkii hore ugu qaabilsanaa magaaladaasi.

Warbaahinta taageerta Al-shabaab ayaa laga soo xigtay in guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir loo magacaabay Daahir Macallin Salaad oo sida la sheegayo hore uga tirsanaa waaxda Sirdoonka ee Al-shabaab.

Guddoomiyihi hore Al-shabaab u qaabilsanaa magaadada Muqdisho iyo guud ahaan gobolka Banaadir Cali Maxamed Xuseen oo ku magac dheeraa (Cali Jabal) ayaa la sheegay in duqeyn lagu dilay sannadkii 2017.

Al-shabaab ayaa maamul ahaan laga saaray magaalada Muqdisho sannadkii 2011-kii balse waxay weli ka fuliyaan dilal qorshaysan iyo qaraxyo ay ku dhinteen boqollaal ruux.

Related posts

Alshabaab oo xalay weerar culus ku qaaday saldhig Ciidamada Puntland ay ku leeyihiin deegaanka….

admin

Diyaarada Turkish Airlines oo joojisay duulimaadyadii Somaliya

admin

TOP NEWS: Maxaadan Ogeyn oo ay Muqdisho u yimaadeen Saraakiil ka socota Booliska Magaalada Minnesota ee Dalka Mareykanka+ Sawirro

Tifaftiraha K24