Animation

Alshabaab oo goob fagaaro ah dhagax kula dishay mid kamid ah laba ruux oo kufsi lagu eedeyay halka midka kalana ay….

no responses
Monday May 1, 2017 - 11:46 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wararka ka imaanaya gobolka hiiraan ayaa waxa ay sheegayan in alshababa ay xukun dil ah ku fulisay rag lagu eedeeyay in ay geesteen kufsi iyo dil.

Xukunka wuxuu ka dhacay dagmada Buq’aqable ee gobolka hiiraan waxaana lagu fuliyay laba nin oo shabaabka ay ku eedeeyen in ay dil iyo kufsi ka geesteen qeybo kamid ah gobolka hiiraan.

Maxkamadda alshabaab ee gobolka hiiraan ayaa xukun dil ah oo dhagax ah ku fulisay ninka koowaad oo magaciisa lagu sheegay Axmad Ibraahim Raagoow oo 29 sano jir ah kadib markii shabaab ay sheegeen in lagu helay kufsi uu u geestay mid kamid ah haweenka ku nool dagmada beledweyne .

Sidoo kale maxkamdda ninkaan waxa ay ku eedeysay in sidoo kale uu dil u geestay haweeneyda uu kufsaday wallaakeed xili uu doonayay in uu ka celiyo walaashiis balse uu rasaas la dhacay sidaasna uu ku dhintay waxaana maxkamadda ay ku xukuntay in dhagax lagu dilo maadama horay guur xalaal ah usoo maray .

Ninka labaad waxaa lagu magacaaba Yuusuf Cali Bajiin oo 22 sano jir ah, waxay maxkamadu ku heshay inuu falka kufsiga ah ka qayb qaatay, balse uusan dilka geysanin sidoo kalana uu ka tirsanyahay ciidamada dowladda ee ku sugan magaalada beledweyne.

Maxkamadda alshabaab ninkaan waxa ay ku xukuntay xukun dil  ah maadama uu dowladda ka tirsanyahay kufsina uu geestay sidaasna lagu dilay maanta.

Xukunkaan wuxuu ka dhacay fagaaro ku yaala dagmada Buq’aqable ee gobolka hiiraan bartamaha soomalia.

Labada nin ee la maanta la dilay ayaa waxaa xoogagga alshabaab ay ka soo qabteen deegaan lagu magacaabo Baar ee duleedka ka xiga magaalada beledweyne.