Animation

Alshabaab oo fal aad u naxdin badan ka geesay tuulo hoostagta dagmada janaale ee gobolka shabeellada hoose

no responses
Thursday June 8, 2017 - 10:29 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Ururka Al-shabaab ayaa dab qabadsiiyay Tuulada Busley oo ka tirsan Degmada Janaale ee Gobolka Shabeelaha Hoose, sida ay inoo sheegeen dadka Degaanka.

Goobjoogeyaal ku sugan Tuulada la Gubay Ee Busleey,balse diiday in Magacooda iyo Codkooda Warbaahinta loo adeegsado Sababo Amni ayaa sheegay in Sababta loo gubay Tuulada ay tahay Khilaaf soo kala dhexe gelay Dagaalameyaasha Shabaab dhexdooda.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Xalay Tuulada la gubay ay kuwada Dagaalameen Al-shabaab dhexdooda,Saakayna ay dab qabadsiiyeen Tuulada.

Maamulka gobolka shabeellada hoose wax war ah kama aysan soo saarin tuuladaan ay shabaabka saakay gubeen.

Dadka ku nool tuulada shabaabka ay gubaan ayaa waxaa soo food saartay xaalad cabsi ah maadama dab la qabadsiiyay halkii ay ku noolaayeen.