Alshabaab oo dagaal kula wareegtay Saldhigyo ku yaala Magaalada Muqdisho

0

Dagaalamayaal ka tirsan Alshabaab ayaa xalay weerar culus ku qaaday saldhigyo ciidamada dowladda ay ku leeyihiin Dagmada Hiliwaa ee gobolka Banaadir.

Labada saldhig ee la weeraray waxay ku yaallaan degaanka Suuqa xoolaha  ee degmada Huriwaa gaar ahaa Cali Ganey iyo Biyo degeenka halka loo yaqaan.

Warbaahinta ku hadasha Afka Xarakada ayaa baahisay in dagaalamayaasha ay si buuxda ula wareegeen labada saldhig ee dagaalka uu ka dhacay.

Dad ku sugan xaafadda Suuqa Xoolaha ayaa warbaahinta u sheegay in xalay saqdii dhexe ay maqlayeen hugunka rasaas iyo madaafiic labada dhinac is dhaafsanayeen.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Dowladda Federaalka oo  ku aaddan dhacdadan, waxayna wararkii ugu dambeeyey ee halkaas laga helayo sheegayaan in ciidamada dowladda ay kusoo laabteen meelihii ay horey u joogeyn.