Alshabaab oo Dad ku Xirxiray Deegaano katirsan Sh/Hoose oo ay la Wareegeen

no responses
Tuesday February 13, 2018 - 2:51 under Somali News by Ahmed sudani
mqdefault
Spread the love

Wararka naga soo gaaraya degaanada Awdheegle iyo Mubaarak oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in halkaasi Shabaab ay ku xir xireen tiro dad ah oo shalay deganadaasi ku soo dhaweeyay ciidamada dowladda Soomaaliya oo saacado kooban la wareegay shalay.

Sidda ay xaqiijiyeen dadka degaanka dadka la xirxiray ayaa waxaa laga qabtay dhammaan degaanadii shalay ay tageen ciidamada dowladda sidda Mubaarak, Ugunji, Awdheegle iyo farsooley oo dhamaantood ka tirsan shabeelaha hoose.

Dadka Shabaab ay xirxireen ayaa tiradooda waxaa la sheegayaa in ay kor u dhaafeyso illaa 20 ruux oo Odayaal iyo dhalinyaro isugu jira, kuwaasi oo hadda ku xiran deegaanada Awdheegle iyo Mubaarak.

Xariga dadkaan ayaa yimid ka dib markii Al-Shabaab ay dib u qabsadeen deganaadan inay bilaabeen baadigoobka dadkii soo dhaweeyay ciidamada, waxaana dadka qaar saaka ay ka soo saareen Shabaab guryahooda oo ay xabsiga dhigeen.

Qaar ka mid ah dadka degaanka diiday magacooda iyo codkooda in la adeegsado ayaa sidoo kale sheegaya, dadka ay xireen Shabaab qaarkood inay ku eedeeyeen ku lug lahaanshaha hagida ciidankii Danab ee hawlgalkaasi fuliyay ama siinta xogta ku saabsan weerarka.

Facebook Comments