Animation

Alshabaab” 35 Madfac ayaan galabta ku duqeynay garoonka Balli-doogle oo saldhig milatari u ah ameerikaanka”

no responses
Saturday April 22, 2017 - 6:21 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Weerar loo adeegsaday madaafiicda goobta ayaa waxaa lagu qaaday garoonka Balli-doogle oo saldhig milatari u ah ciidamo mareykan ah.

Alshabaab ayaa sheegtay in ku dhawaad 35 ay ku garaaceen garoonka melleteriga Balli-doogle waxaana sheegeen in qasaaro ay ka dhasheen madaafiicdaasi.

Warbaahinta alshababa afkeeda ku hadasha ayaa baahisay in madaafiic culus lagu garaacay garoonka intooda badanna ay ku dhaceen gudaha garoonka Balli-doogle.

“Mujaahidiinta ayaa 35 madfac lahelay garoonka diyaaradaha Balli-doogle oo saldhig melleteri u ah ciidamada saliibiyiinta Mareykanka” ayaa lagu yiri war lagasii daayay Radio Andalus.

 

Shabaabka ma sheegin qasaaraha ka dhashay madaafiicda waxaana weerarka uu dhacay maanta galinkii dambe.

Garoonka diyaaraddaha Balli-doogle waxa uu saldhig milatari u yahay ciidamada mareykanka oo diyaaraddaha droneska ay ka duulaan garoonka islamarkaana duqeymaha ka geesta gobollada koonfurta soomalia sidoo kalana saldhig weyn u ah ciidamada amisom ee nabad ilaalinta u jooga soomalia.

 

Facebook Comments