Al Shabaab oo weerar Xoogan kuqaaday deegaanka

0

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal xoogan oo xalay ka dhacay Gobolka Shabeellaha Hoose gaar ahaan deegaanka Bariire,kaasi oo soo gaaray Waaberigii hore ee saakay,isla markaana dhexmaray Ciidanka dowladda Soomaaliya iyo dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab.

Warar aan helnay ayaa sheegaya in dagaalka uu ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac,hayeeshee aan si dhab ah loo xaqiijin karin inta uu la egyahay.

Ciidamada Danab ayaa dhawaan deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose ka saaray dagaalamayaasha Al-shabaab,waxaana deegaankaas uu yahay mid Istiraatiiji ah oo ay in muddo ah ku sugnaayeen Al-shabaab.

Xaaladda guud ee deegaanka Bariire ayaa waxaa lagu soo waramayaa in ay tahay mid degan,isla markaana Ciidamada Danab ay so buuxda gacanta ugu hayaan deegaanka,waxaana ay wadaan dhaqdhaqaaqyo Ciidan oo ka dhan ah Al-shabaab.