Animation

Al-Shabaab oo weerar ku qaaday saldhig Ciidamada Itoobiya ay ku leeyihiin Garoonka Degmada Baardheere.

no responses
Saturday November 28, 2015 - 7:00 under Somali News by admin
mqdefault

Ururka alshabaab Ayaa xalay weerar ku qaaday saldhig Ciidamada itoobiya ay kuleeyihiin garoonka Diyaaradaha Degmada baardheere.

Hoobiyayaal Iyo madaafiic ayey ku garaaceen saldhigyada itoobiyaanka iyadoo lasoo warinaayo in khasaaro uu halkaasi ka dhashay.

Madaafiicda ay Shabaabku ku tureen saldhigyada itoobiyaanka Ayaa laga maqlayay qeybo badan oo kamid ah Magaalada iyadoo dadka Shacabka ah intooda badan ay hurdada ka salaleen.

Itoobiyaanka Ayaa dhinacooda ka jawaabay madaafiicda lala dhacay saldhigyadooda, iyagoo duqeeyey deegaanada weerarka lagaga sooqaaday.

Ma ahan markii ugu horeysay oo ay Shabaabku weeraraan saldhigyada itoobiya ee baardheere, waxaana bishii hore sidaan ookale weerar lagu qaaday Xarun ay itoobiyaanku kuleeyihiin Xarunta ADC ee baardheere.

Abdirahman Abdisalam Haji
Kismaayo, Somalia