Somali News

Al-Shabaab Oo Sheegtay Inay Dib Ula Wareegtay Deegaan ay Ciidamada Somaliya horey ugala wareegeen.

Wararka aan ka heleyno deegaanka Tooratooroow ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas ay isaga baxeen Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab, kadib markii shalay halkaas la wareegeen.

Ciidamada Danab ayaa Al-shabaab kala wareegay gacanta ku heynta deegaanka Tooratooroow oo ay in muddo ah ay ku sugnaayeen, isla markaana ku lahaa Maxkamado waaweyn.

Ciidanka Danab ayaa Tooratooroow qabsaday iyada oo wax dagaal ah uusan ka dhicin, waxaana markii hore halkaas isaga baxay dagaalamayaashii Al-shabaab ee ku sugnaa, sidaasina ay Ciidanka dowladda ugu suura-gashay inay la wareegaan.

Sawrirro laga soo qaaday Ciidanka dowladda laguna faafiyay baraha Bulshada ayaa lagu arkayay iyaga oo ku sugnaa deegaanka, isla markaana shacab badan kula hadlayay halkaas.

War qoraal ah o lagu faafiyay baraha internet-ka Al-shabaa waxaa ay ku sheegeen in Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Danab ay isaga baxeen deegaaanka Tooratooroow ee Gobolka Shabeellaha Hoose oo shalay ay la wareegeen.

Sidoo kale Warka Al-shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidanka dowladda Federaalka ay dib ugu laabteen dhanka Garoonka Balidoogle oo markii horey ay kasoo ruuqaansadeen, isla markaana Al-shabaab ay dib u qabsadeen Tooratooroow.

Ilaa iyo hada ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidanka dwladda Federaalka Soomaaliya oo ay uga hadlayaan wararka sheegaya in Ciidamada ay isaga baxeen deegaanka Tooratooroow ee Gobolka Shabeellaha Hoose, sidoo kalena ay la wareegeen dagaalamayaasha Al-shabaab.

Related posts

TOP NEWS: Guddiga Doorashooyinka Dadban oo War muhiim ah soo saaray maxayse uga hadleen???

Tifaftiraha K24

Shirweynaha Dhallinyarada Soomaaliyeed Oo Maanta Ka Furmay Muqdisho

admin

TOP NEWS: Dhageyso Guddoome Jawaari oo Fariin Aadag u Diray Xildhibaanada Baarlamanka ee waqtiga ku dhimiya in aysan…

admin