Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284
Somali News Top News Xulashada K24

Al-Shabaab oo sheegtay in ay isku soo dhiibeen Askar ka tirsan Ciidanka Jubbaland

Ururka Al Shabaab ayaa sheegtay inay isku soo dhiibeen lix askari oo ka tirsanaa ciidamada Jubbaland ee ku sugan Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya.

Askartaan ayaa Shabaab waxa ay sheegeen inay iska soo dhiibeen degaanka Ceel-Cadde ee Gobolka Gedo, waxaana halkaasi ku soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan Shabaab sida ay sheegeen.

Al Shabaab waxa ay sheegeen askarta isa soo dhiibtay inay ku hubaysnaayeen qoryaha Ak47 iyo Boosashkooda, waxaana muddo ay xiriir la sameynayeen kadib u suuragashay inay maanta Shabaab isku soo dhiibaan.

Warbaahinta Al Shabaab ayaa sheegtay in deegaanka Ceel-cadde lagu soo bandhigay askarta isa soo dhiibtay oo sababta Maamulka Jubbaland ay uga soo goosteen ku sheegay dhibaatooyin kala duwan oo ay kala kulmeen Maamulkaasi.

Saraakiisha ciidamada Jubbaland ee Gobolka Gedo oo aan la xiriirnay si arintaan aan uga xaqiijiyo ayeeysan inoo suuragelin, balse waa sheegada Shabaab kaliya in askartaan isa soo dhiibeen.

Al Shabaab ayaa dhawr mar sidana oo kale askar kala duwan ugu soo bandhigay deganada Jubbooyinka iyo Gedo, kuwaasi oo ay sheegeen inay ka soo goosteen Maamulka Jubbaland.

Related posts

TOP NEWS: Xoghayaha Qaramada Midoobe Banki-Moon oo kenya ugu baaqay in ay ka fiirsato go’aanka ay ku xireyso Xeryaha Qaxootiga Dalkeeda

Tifaftiraha K24

Safiirka Itobiya oo Shaciyey Tirada Ciidamada kajooga Somaliya.

admin

DEG DEG: Cabdi Raxmaan C/Shakuur oo ku dhaawacmay weerar lagu qaaday gurigiisa

admin