Animation

Al-Shabaab oo laba nin gacmaha uga goysay fagaaro weyn oo ku yaala dagmada….

no responses
Thursday May 18, 2017 - 4:08 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Alshabaab ayaa saakay fagaaro ku yaala degmada Tiyeeglow ee gobalka Bakool waxa ay gacmaha uga jareen laba ruux oo ay ku eedeeyay tuuganimo.

Maxkamadda alshabaab ee baay iyo bakool ayaa ragaan waxa ay ku xukuntay in gacmaha laga gooyo maadama ay ku kaceen fal xatooyo ah.

Labada nin ee gacmaha ay ka gooyeen shabaabka ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Aadan Muxamed Nuur oo 42 Sano jir ah iyo Isxaaq Aadan Xasan oo 23 jir.

Shabaabka ayaa ragaan ku eedeysay in ay jabsadeen dukaan ku yaala Tiyeeglow ayna ka baxsadeen lacag dhan Labo iyo Toban Milinyan oo Shilin Somali ah.

Alshabaab ayaa inta badan deegaanadeeda ka fulisa falal dilal iyo gacmo goyn ah kuwaasi oo ay kula kacdo shaqsiyaad eedeymo kala duwan loo heysto.