Breaking News Somali News Top News

Al-Shabaab oo fudayd badan ku sheegay Madaxweyne Farmaajo……………..

Kooxda Al-Shabaab ayaa jawaab adag ka bixisay go’aankii uu madaxweyne Farmaajo xaalada deg deg ah ku geliyay dalka, iyagoo sheegay in go’aankaas uu u fududeyn doono iney la dagaalamaan ciidamada DFS iyo kuwa Amisom.

Afhayeenka Kooxda AL-Shabaab Sh Cabdi Casiis Abuu Muscab ayaa sheegay in Farmaajo uu yahay nin ka liita madaxdii hore sida Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif isla markaana ay kaga adkaan doonaan dagaalka.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu Afhayeenka AlShabaab sheegay in Farmaajo uu madaxdii hore uga duwan yahay fudeyd “isagoo aan xataa labo bil joogin ayuu tuute soo qaatay oo uu dagaal iclaamiyay”ayuu yiri afhayeenka AlShabaab.

RIIX HALKAN: DHAGAYSO CODKA

Afhayeenka Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegay iney yaqaanaan sida looga guuleysto qofka fudud ayna sii wadayaan weerarada ay ku qaadayaan xarumaha dowlada iyo dagaalada tooska ah.

Hadalka kasoo baxay Al-Shabaab ayaa kusoo aadaya xili madaxweyne Farmaajo uu dhawaan ku dhawaaqay in dalka uu geliyay xaalad dagaal oo deg deg ah.

Related posts

Barlamanka Somalia oo meelmariyay sharci muhiim ah

admin

Digniin Cusub oo laga soo saaray Duufaanno horleh oo kusoo wajahan Xeebaha Soomaaliya.

admin

War Hada: Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaliya oo Ku guuleystay Kursiga Seddexaad Aqalka Sare Puntland+Magaciisa

Tifaftiraha K24

1 comment

Comments are closed.