Al shabaab oo dib uga baxday bacaadwayn

0

Dhaq dhaqaaq ciidan ayaa laga dareemayaa deegaanka Bacaadweyne ee dhaca koofurta gobolka Mudug halkaas oo ay soo gaareen dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab oo watay gaadiid dagaal.

Al-shabaabkii soo gaaray deegaanka Bacaadweyne ayaa la hadlay odoyaasha dhaqanka ee deegaanka, inkastoo aan si rasmi ah aan loo ogeyn waxa Al-shabaab ay u sheegeyn odoyaashaasi.

Sida ay sheegayaan wararkii ugu dambeeyay ee la helayo ciidamo ka tirsan maamulka Galmudug ayaa rasaas meel dheer ah ugu soo riday Al-shabaabkii

la hadlayay odoyaasha.

Intaas ka dib Al-shabaab ayaa dib ugu laabtay deegaanka Bacaadweyne ee gobolka Mudug.

Waxaana hadda deegaankaasi laga dareemayaa dhaq dhaqaaq ciidan, waxaana dadka deegaanka ay ka cabsi ka qabaan dagaal halkaas ka qarxo.