Maqaalo iyo Warar Somali News Top News

(Akhriso+sawirro) Al-shabaab Oo soo Bandhigay Gawaari ay sheegeen Inay kala Wareegeen Ciidanka Xoogga Soomaaliya.

Dhaqdhaqaaqa dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa soo bandhigay gaari kuwa gaashaaman oo loo yaqaano Beebaha oo ay isticmaalayeen Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, sida lagu baahiyay baraha Internet-ka ee taageera Al-Shabaab.

Gaadiidkan oo lahaa calaamada ciidanka xoogga dalka ayay Al-Shabaab sheegtay inay la wareegeen kaddib dagaal ay la galeen Ciidamada dowladda.

Sawirro laga soo qaaday gaarigan beebaha ah ayaa la arkayay, iyadoo ay saaran yihiin dagaalamayaasha Al-Shabaab, isla markaana marayay meelo ka mid ah Gobolka Shabeellaha Hoose.

Gaadiidka Beebaha ayaa ka mid ahaa tiro gaadiidka gaashaaman oo horay loogu deeqay dowladda Federaalka, waxaana gaadiidkan uu ka mid ahaa kuwo ay isticmaalayeen Ciidanka xoogga dalka qeybta 14 October ee dhowaan la wareegay gacan ku heynta magaalada Marka.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa sheegtay inay la wareegtay saanad ciidan oo dowladda Federaalka ka heshay dowlado shisheeye, sida ay baahisay warbaahinta afkooda ku hadasha.

Related posts

TOP NEWS: Dhageyso Nuxurka Qudbadii Madaxweyne Xasan Shiikh uu kula Hadlay dhalinyarada Soomaaliyed ee 15may U dabaal dageysa

Tifaftiraha K24

Daawo: Wafdi Balaaran oo Galmudug ka socda oo Nairobi lagu so dhaweeyay+Yaa horkacaayo wafdiga iyo Ujeedka Socdaalkooda

Tifaftiraha K24

Daawo: Waxa ay si dhab ah u go’aansadeen in qarashkii ku bixi lahaay arooskooda ay ugu deeqaan walaalahood abaartu ay saameysay

Tifaftiraha K24