Animation

Akhriso: Yaa ku Guuleestay Doorashada Kuraasta Aqalka Hoose ee Maanta Kismaayo ka dhacday??+Magacyada Xildhibaanada la doortay

3 responses
Thursday November 17, 2016 - 12:34 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Magaalada Kismaayo waxaa Maanta ka dhacay Doorashada Xildhibaanada Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaliya.

Ergada Dooraneysa Xildhibaanada Aqalka Hoose ayaa Waxa ay Maanta doorteen Maxamuud Cali Magan.

Maxamuud Cali Magan ayaa ku soo baxay doorashadii Aqalka hoose uga mid noqon lahaa Xidhibaanada Maamulka-goboleedka Jubbaland u matali lahaa Barlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaan Maxamuud ayaa codad dheeri ah uga guuleystay Musharaxii kula tartamayay Kursiga, iyadoo Wararka laga helayo Guddiga Doorashooyinka heer Maamul-goboleed uu sheegayo in ay goor dhow soo dhamaystiri doonaan buuxinta tirada Kuraasta loo qoondeeyay Maamulkaasi.

Guddiga Doorashooyinka ayaa sheegay in Dhawaan lasoo gaba gabeyn doono Guud ahaan Doorashooyinka Xildhibaanada Aqalka Hoose ee Jubbaland.