Akhriso: Xukuumada Somaliya oo laga codsadey in ay qeexdo Mawqifkeeda ku aaden dalka.

0

War Qoraal ah oo kasoo baxay Xisbiga Wadajir uu Gudoomiyaha ka yahay Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa lagu cambaareeyay dowlada Qadar oo kamid ah dowlaha sida weyn u taageera xiligan dowlada federaalka.

Xisbiga Wadajir oo soo xiganaya Qoraal lagu daabacay Wargeyska New Yourk Times ayuu ku sheegay in dowlada Qadar ay qeyb ka tahay dhibaatada xiligan heesata Soomaaliya ayna xiriir la leedahay dhinacyo kala duwan ay kamid yihiin argagaxisada.

Qoraalka Xisbiga kasoo baxay ayaa loogu baaqay dowlada federaalka Soomaaliya in ay cadeyso mowqifkeeda ku aadan dowlada Qadar ayna hakiso xiriirka ay la leedahay dowladaasi.

Halkan ka Akhriso Qoraal Xasaasi ah oo kasoo baxay Xisbiga Wadajir