Breaking News Maqaalo iyo Warar Somali News Top News

Akhriso Xogo Qarsoon oo ku saabsan Muqdisho iyo Abu Dhabi oo la mataaneynayo.

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir C/Raxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa safaaradda Imaaraadka eek u taalla Muqdisho ku booqday danjiraha Imaaraadka ee Soomaaliya  Maxamed Axmed  Cismaan Al Xamadi.

Al-Xamadi iyo Yariisow ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal mideynta naqshadaha Muqdisho iyo Abu Dhabi iyo iskaashiga labada dal.

C/Raxmaan Yariisow ayaa dowladda Imaaraadka uga mahad celiyay mashaarciida ay ka fuliso Soomaaliya,waxaana sidoo kale safiirku uu ka mahadceliyay booqashada duqa Muqdisho ee safaaradda Imaaraadka eek u taalla Muqdisho.

Sida ay qortay wakaaladda wararka Imaaraadka ee WAM,labada dhinac ayaa isla soo qaaday sidii dowladda Imaaraadka uga qeyb qaadan lahayd dhinacyada horumarinta caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho iyo mashaarciida kale ee dalka.

Danjire Al-Xmaadi ayaa kulanka ku ballan qaaday in dowladda Imaaraadka diyaar u tahay wada shaqeynta Muqdisho iyo Abu dhabai sidoo kalena ay ka wada shaqeynayaan nooc kasta oo horumarinta la xiriirta.

Related posts

Maxa ka jira in Maraykanka ay duqayn ku dileen Afhayeenki Al-Shabaab Abu Muscab

admin

TOP NEWS: Maxaadan Ogeyn oo ka soo baxay Kulan Xasaasi ah oo madaxtooyada Muqdisho ku dhexmaray Madaxweynaha Soomaliya iyo Wafdi ka socda…+Sawirro

Tifaftiraha K24

Sawirro: Wasaaraddaha Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya iyo Jabuuti oo Heshiis gaaray

admin