Animation

Akhriso: Xildhibaanada Maanta lagu doortay Magaalada Jowhar iyo Beelaha ay ka soo Jeedaan+Sawirro

no responses
Monday November 28, 2016 - 12:15 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Magaalada Jowhar waxaa weli ka socda Doorashada Kuraasta Aqalka Hoose ee Baarlamaanka soomaliya Iaydoona Ergooyinka ay maanta doorteen ilaa 2 Xildhibaan oo kamid Noqonaya Baarlamaanka Cusub.

Laba Kursi ayaa Maanta lagu tartamayay Waxaana Ergooyinka ay u Codeeynayeen Kuraasta kala ah:

Beesha Gaaljecel /Abtisame oo Afar Musharax ay u tartameysay.

Beesh Dir/ Faqe Cumar oo afar Musharax ay u tartameysay.

Hadaba Halkaan Hoose ka Aqriso Magacyada Xildhibaanada Guuleestay iyo Beelaha ay ka soo jeedaan.

1-Aamino Maxamed Cabdi oo heshay 26 Cod– Beesha Gaaljecel /Abtisame

2-Dr. Xuseen Cabdi Cilmi oo heley 34 Cod— Beesh Dir/ Faqe Cumar.

Haddaba wadarta guud ee illaa hadda la soo doortay ayaa noqoneysa 26 xildhibaan iyadoo ay dhiman tahay 11 xubnood oo lagu wado in la soo doorto dhawaan.

dsc02117 dsc02121 dsc02124 dsc02128 dsc02130 dsc02149