Animation

Akhriso: Xildhibaanada Maanta ku guuleestay Doorashada Aqalka hoose ee Baydhabo ka socota Xili Laba dumar ah ay ku jiraan

3 responses
Saturday November 26, 2016 - 8:38 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay, ayaa maanta waxaa ka bilowday wajiga Seddexaad ee doorashada Aqalka Hoose ee Baarlamaanka soo aadan ee Soomaaliya.

Maamulka Koonfur-galbeed ee Soomaaliya ayaa helay xubnaha ugu badan ee Baarlamaanka Aqalka Hoose, waxaan laga rabaa inay soo doortaan 69 mudane.

QM midoobay ayaa K/galbeed horay ugu amaantay ilaalinta qoondada haweenka.

Maanta oo Sabti ayaa waxaa Baydhabo lagu doortay 4 xildhibaan oo labo kamid ah Haween yihiin.

Habada waa kuwan xubnaha maanta la doortay.

1- maryan Isxaaq  waxaa ay heshay 50 cod.

2-Gen. Shariif  Sheekhunaa  Maye waxaa uu helay  43.

3-Muno Sheekh Cumar  waxaa ay heshay 43.

Maxamuud Nuuraani Bakar waxaa uu helay  43.