Animation

Akhriso: Xildhibaanada Aqalka Hoose ee Maanta ku guuleestay Doorashada Jowhar ka socota+Magacyadooda

one response
Wednesday November 23, 2016 - 12:03 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Magaalada Jowhar Waxaa weli ka soconaya Doorashada Xildhibaanada Aqalka Hoose ee Baarlamaanka soomaliya waxaana Maanta la doortay Dhowr xildhibaan oo ka Mid Noqonaya Baarlamaanka Cusub.

Xildhibaanada doorashadii maanta kusoo baxay ayaa waxay kala yihiin: Cumar Cusmaan Waasuge (Cumar Riinge) oo ka guuleystay Musharraxiinta kala ah, Cabdulqaadir Maxamed Cusmaan (Barnaamij), Cabdimaalik Cabdalla iyo Cabdiraxmaan Cali Muumin.

Sidoo kale waxaa hal kursi ku wada tartamay Cabdifataax Qaasim Maxamuud, Maxamed Cumar Maclow iyo C/risaaq Cabdi Cabdullaahi, waxaana codad gaaraya 33 Xildhibaan ku noqday Cabdifataax Qaasim Maxamuud.

Kursiga saddexaad oo ay haween ku tartameen ayaa waxaa ku guuleysatay Farxiyo Muumin Cali oo 40 cod ka heshay Ergada, halka Faadumo Khaliif Guuleed oo la tartameysayna ay nasiib u heshay 10 cod, hal codna waa hallaabay siduu Guddiga doorashada sheegay.

Doorashada Xildhibaanada Aqalka Hoose ee Hirshabeele Marba marka ka dambeysa Xiiso gooni ayey sii yeelaneysa Maadama Kuraasta Qaar ay yihiin kuwa Xasaasi ah oo Musharixiin Culus ay ku tartamayan.