Akhriso: Xildhibaan Mahad Salaad oo Difaacay Showga Fannaanadda kiin jaamac weerar culusna ku qaaday Culimada

0

Xildhibaan Mahad Salaad oo inta badan dhaliila madaxda dowaldda madaxweyne farmaajo ayaa si toos ah u difaacay showga fannaanadda kiin jaamac ay muqdisho ku qaban rabto isagoona culimada ku tilmaamay in ay yihiin dad xer oodan ugu jira dowaldda mushaarna ka qaata.

Xildhibaanka oo ka mida kooxda Damjadiid oo koox diimeed ah ayaa Culimada hay’ada Culimada ku sheegay inay degan yihiin Hoteelada, kirada qolka iyo cuntada ay Dowladu ka bixiso, isal maraana xafladaha Madaxda Dowladu yimaadaana ka khudbeeya oo ka duceeyaan.

“ Wadaad aan lahayn Ardo ama Xer ku xiran oo Diinta uu baro. Aanan joogin Masaajid, Mowlac ama xitaa Dugsi Qur’aan caruurta wax lagu baro. Qol ka degan Hotel, kirada qolka iyo cuntada uu cunayana Dowladu ka bixiso, xafladaha Madaxda Dowladu yimaadaana ka khudbeeya kana duceeya, hadalkana hadba sida madaxdu u rabto ugu dhiga waliba iyaga oo daliil raacinaya, in ay maanta kasoo saaraan “FATWO” gabar fannaanad ah oo dalka timid iyaga oo ku andacwoonaya “WAXAA NALOO SHEEGAY IN AY HEESI DOONTO IYADA OO LUG QAAWAN malla waydiiyay” ayuu bartiisa facebook-ka ku qoray.

Mahad salaad oo ku qafiifay dhaliisha iyo wax ka sheegidda dowladda farmaajo ayaa dhexda uga dhacay fadeexad weyn kadib markii uu hey’adda culimada uu ku tilmaamay kuwo u xareysan dowladda mushaarna ka qaata meelaha fadhi ku diriryadana markasto soo taagan raalina ka ah qaraxyada ay shabaab muqdisho ka geestaan.