Somali News

Akhriso: Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha soomalia oo gabi ahaanba soo afjartay jiritaanka rugta ganacsiga iyo warshadaha

Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu shaaciyay go’aano ay Wasaaraddu ay ka soo saartay dhismaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed.

Qoraalkan ka soo baxay wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha  ayaa lagu sheegay in wixii laga bilaabo maanta la baab’iyay rugta ganacsiga iyo warshadaha maadaama ay jiraan labo rug ganacsi oo ka dhisan magaalada Muqdisho.

Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa waxaa guddoomiye ka ahaa Maxamuud Cabdikariin Gabeyre halka Rug Ganacsi oo kale ay ku dhowaaqeen qaar ka mid ah ganacsatada magaalada Muqdisho waxaana taasi ay keentay khilaaf heer sare ah oo marka dambe la gaarsiiyay dowladda federaalka.

Halkaan hoose ka aqriso war-saxaafadeedka

Related posts

Akhriso: War-murtiyaeed laga soo saaray Shirka horumarinta Ganacsiga deegaannada Galmudug ee dhuusamareeb lagu qabtay

admin

Daawo: Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Xaashi Carabey oo Balanballe ka furay Shir Nabadeed

admin

Wasiirad ka tirsan Xukummada Sweden oo xilkedi ka tagtay ka dib marki.

admin