Animation

Akhriso: Warqad xasaasi ah oo beesha hawiye ay u direen farmaajo iyo kheyre maxaase ku qoran?

no responses
Saturday June 10, 2017 - 12:28 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Waxgarad iyo siyaasiyiin beesha hawiye ah ayaa qoraal ay kaga hadlayaan arrimo badan oo xasaasi ah waxay u direen Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Kheyre.

Qoraalkan ayaa ah mid ka kooban 16 Beej, waxaana inta badan looga hadlayey arrinta ku aadan xasilinta Muqdisho oo meello badan laga eegay.

Waxaa lagu sheegay qoraalkan, in dadka ku nool Muqdisho ay 80% yihiin hawiye, maalin walbana dhibaato ay kasoo gaarto hub ka dhigista.

“Madaxweyne iyo Ra’iisul wasaare, Muqdisho 80% waxaa ku nool hawiye, hub ka dhigistana Lab si ayeey inoo saameysay, idinkoo cadowga la dagaallamin, dalkana ka saarin ayaad madaxdii hubka ka qaadeysaan si sahalan in loo dilayo ama loo weerarayo ayaa meesha ka cad, sidoo kalena maalin walba markaad hub qaadeysaan waxaa dhinta ugu yaraan 3 qof, badina waa beesha, sidaasi darteed waa inaad degdeg arrintaan wax uga bedashaan” ayaa lagu yiri qoraalkan.

Waxaa qoraalka ku xusan sidoo kale talooyin ku aadan dhanka ammaanka, la dagaalanka Al-shabaab iyo dowlad wanaagga.