Animation

Akhriso: Warqad kulul oo garyaqaanka guud ee dowladda oo u diray ra’isul wasaare kheyre maxaase ku qoran?

no responses
Monday May 1, 2017 - 10:46 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Garyaqaanka Guud ee Dowladda federaalka soomalia Dr Cusmaan Cilmi Guuleed ayaa warqad u diray ra’isul wasaaraha xukuumadda soomalia mudane xasan cali kheyre.

Warqadda uu garyaqaanka u diray ra’isul wasaare kheyre waxa ay aheyd mid uu kaga dalbanaayo in ra’isul wasaaruhu u madax baneeyo hey’addaha dowladda shaqadooda.

Garyaqaanka wuxuu sheegay in ra’isul wasaaraha uu faragalin qaawan ku haayo Maamulka Miisaaniyadda dowladda.

Dhinaca kale Garyaqaanka Guud ayaa dhaliilay habka loo maro xil ka qaadista iyo magacaabista, waxaana lagu sheegay inay tahay mas’uuliyad wadareed ka soo bilaabato soo jeedinta Wasiirka, ansixinta Golaha Wasiirada, kuna dhamaato xeerka Madaxweynaha.

Arrintan ayaa ka dambeysay markii dhowaan Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Wasiirka Maaliyadda C/raxmaan Ducaale Beyle ay isku qabsadeen hab maamulka Miisaaniyadda dowladda iyo canshuur dhaaf loo sameynayo Hey’adaha aan dowliga aheyn, taasi oo keentay in Ra’iisul Wasaaruhu la wareego howlihii uu u xil saarnaa Wasiirka Maaliyadda.

Garyaqaanka Guud ayaa ugu baaqay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha inuu u madax banaaneeyo shaqada ay u xil saaran yihiin hey’adaha kala duwan ee dowladda, kuna ekaado inuu kula xisaabtamo gudasha waajibaadkooda, si waafaqsan sharciga.

Sidoo kale Garyaqaanka ayaa sheegay in musuq maasuqa uu yahay sharciga oo la baal maro, fara gelin aan sharciga waafaqsaneyn uu yahay nuuc ka mid ah musuq maasuqa, kaasoo ka daran kii lala dagaalamay, waxaa uu soo jeediyay in musuq maasuqa lagula dagaalamo sharciga gudihiis oo aan banaanka lala aadin.