Animation

“akhriso” Warbixin Kooban oo ku saabsan Xaalada Nolaleed ee Degmada Ceel-waaq ee Gobolka Gedo.

no responses
Monday November 23, 2015 - 10:30 under Kaydka Wararka Xulka ah by admin
mqdefault
Spread the love

Degmada Ceelwaaq waxay ka midtahay degmooyinka kuyaala Gobolka Gedo waxayna xuduud la leedahay dalka aan deriska nahay ee Kenya gaar ahaan degmada Elwak Kenya, Degmada Ceelwaaq waxaa hoos yimaado tuulooyin badan oo ay kunoolyihiin dad aad u farabadan. Degmada dhaqalaheedu wuxuu ku tiirsanyahay xoolaha nool waxaa soo raaca ganacsi aan aad u buurneen.

1. NABADGELYADA DEGMADA.

Ceelwaaq waxaa gacanta ku haya ciidamo degmada u dhashay oo lagu soo tababaray dalka aan deriska nahay ee Kenya, ciidamadaan waxay hoos tagaan doowlada federalka somaaliya balse kama helaan wax taageero ah ama Mushaaraad joogto ah, Mudo sadex sano ah. Degmada amaankeedu intii mudo ah waa wanaagsanaa,waxaana xusid mudan iney dadweynuh go’aansadeen iney iska kaashadaan xaga arimaha nabadgalyada.

2. CAAFIMAADKA.

Runtii waxaan dhihi karaa degmada kama jiraan xarumihii caafimaad ee aasaasiga ahaa,waxaa hada shaqeya MCH ay leedahay BISHA CAS. Waxaa nasiib daro ah in degmada ay leedahay Hospital balse aysan jirin wax howl caafimaad ah oo kasocda, maxaa yeelay ma jiraan wax haayado ah ama shaqsiyaad ah oo isu xilqaamay in ay Isbitaalka degmada wax ka qabtaan.
Dadka degmada waxaa haysata dhibaatooyin caafimaad maxaa yeelay degmada mala’han meel dumarka Uurka leh ku dhalaan iyo meel bukaanka jiifiyo midna oo marka qof xanuunsado wax looga qabankaro, waxaa lala adaa degmada aan deriska nahay ee Elwak Kenya waa qofkii awoodee,waana qarash aad u tira badan.

3. BIYAHA.

Degmada waxay biyaha ka heshaa Ceelal gacmeed kuyaala magalada dhexteeda oo biyahoodu aad u qaraaryihiin Ceelashaas oo ah kuwo aan biyo hoodu intabadan nadiif ahayn, sababikara cuduro kala duwan sida shuban biyoodka. Ceelasha ma helaan cid ilaalisa si joogto ah xaga nadaafada ceelasha.
Sidoo kale waxaa jira biyo macaan oo ay booyado kasoo dhaamiyaan meel, Dhabasiti layirahdo oo kutaalo dhinaca Kenya oo Ceelwaaq ujirta ilaa 60KM, balse ma ahan biyo ay dadkoo dhan awoodaan in ay iibsadaan oo waxaa 20 Litir la kala siistaa 50 shillin oo u dhiganta 0.5 dollar.

4. WAXBARASHADA.

Degmada mala’han waxbarsho aad u buuran balse waxaa kajira iskuulo hoose dhexe ah oo dhawaan la asaasay oo sadex ah laba kamid ah iskuuladaas waa iskuulo gaar looleyahay oo caruurta School fee laga qaado halka midkale uu yahay kii degmada lahayd oo ay gacanta ku hayso haayada NCA oo bixisa wax yar oo Mishaaraad ah $ 50 Dollar siisa Macalimiinta, taas oo aan ahayn wax kufilan Macalimiinta,waxayna shaqeeyaan maalinkii labada galin.
Degmada mala’han dugsi sare ama Jaamacad midna,runitii degmada way ka hooseysaa xaga waxbarashada degmooyinka kale ee gobolka.

5. GANACSIGA IYO HORUMARKA.

Degmada ganacsiga ay caanka kutahay xoolaha nool oo looga yimaado dhammaan gobalada dalka somaaliya, degmadu waxay hodan kutahay dhaqashada xoolaha nool gaar ahaan geela, ariga iyo lo’da.
Sido kale degmadu waxay xiriir ganacsi oo aan aad u balaarneen la leedahay degmada aan dariska nahay ee Elwak Kenya, waxaana u gudba qalabka ama bagaasha nooga yimada dekada Kismaayo iyo Mogadishu labadaba,waxaana kamid ah Sonkorta iyo qalabkale sida bagashka noocyadiisa kale duwan.
Hadaba, waxaa codsi naga ah ama aan soo dhaweyneynaa cid kasta oo gacanka geeysankarta wax ka qabashada guud ahaan baahida baahsan ee ka jirta dagaanka Ceelwaaq oo runtii wax ka qabad deg deg ah u baa’han.

Wabillaahi towfiiq.
Mahadsanidiin.
Hassan Ali
Elwak- Somalia.

Facebook Comments