Animation

Akhriso: Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Naga soo gaaraya Magaalada Qandala Maxaase Cawada Halkaasi ka Cusub???

no responses
Thursday November 3, 2016 - 7:05 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in Ciidamada Puntland oo kaabiga ku haya Degmada Qandala ay isu diyaariyeen dagaal ka dhan ah Daacishta Qandala.

Ciidamo aad u gaashaamay oo wata Hubka culus ayaa go’doomiyay waddooyinka gala Qandala, waxaana soconaya abaabul xooggan oo la doonayo in Kooxda gacan saarka la leh IS-ta looga saaro halkaasi.

Waxaa Maanta deggenayd xaaladda Magaalada, markii ay duqeyn Saacado badan socotay ku garaaceen Maraakiibta Ciidamada Badda NATO ee ku sugan Gacanka Cadmeed,lamana sheegi wax qasaara ah oo ka dhashay rusheyntaas.

Madaxweynaha puntland C/wali Maxamed Cali ayaa sheegay in maamulkiisu uu weerari doono Malleeshiyaadka Daacish ee Qandala ku sugan, wuxuuna intaa raaciyay inayan halkaasi haysan karin lagana saari doono.

Dadka ka barakacay Qandala ayaa qaarkood waxaa dib u dejin looga sameeyay Magaalada Boosaaso, halka kuwa kalena ay ku sugan yihiin degaannada Buruc iyo Beexaani oo ka tirsan Gobolka Bari.