Akhriso: War-murtiyeed laga soo saaray Shirka Beesha Sacad uga Socday Gaalkacyo

0

4 Cisho Shir ugu socdan beeshaan Magalada Galkacyo ayaa lasoo gaba gabeyay, ayadoo laga soo saaray war murtiyeed qodobo dhowr ah Ka koobnaa

Qodobada war murtiyeedka waxa Ka mid ah in Shirka dib uheshiisiinta beelaha Galmudug lagu qabto Magaalada Galkacyo, In wax qaybsiga Galmudug saldhig u noqdan labada gobol ee Mudug iyo Galgaduud, In Doorashada Galmudug lagu qabto goob amaan ah islamarkana u madax banan yihiin dhaman beelaha Galmudug iyo qodobo kale oo badan

Ra,isul wasaare Xasan Ali khayre oo maalmo Ka hor yimid Galkacyo ayaa shegay in Shirka dib uheshiisiinta iyo doorashada Galmudug lagu qabanayo Magalada Dhusomareeb , asagona beeshan Ka codsaday inay taageeraan hase yeeshee war saxafadedkan ayaa Ka hor imanaya hadalka Raisul wasaaraha.

Dhawaan ayay ahayd markii odayaal Magaalada cadaado Shir Ku qabtay kaso horjeesteen hadalka Raisul wasaaraha, ayagoona shegay in aysan tagi doonin Dhuusomareeb

Beelaha qaar ayaa mesha Ka saray kalsoonida lagu qabi Karo Magaalada dhuusomareeb kadib markii uu Ka shaqeyn wayay amarka madaxweyne Ahmed Ducaale geele xaaf waxaana inta badan dadku Ku eedeyaan in awooda Magaalada gacanta ugu jirto culumada Ahlu suna waljamaaca oo halkaas dagaal Kula galay ururka Al shabaab islamarkana Ka xoreeyay

Qodobada shirkan kaso baxay ayaa arinta sii cakiraya waxaase macquul ah hadii tanaasul imaan wayo in qilaafka sii xoogaysto