Animation

Akhriso: War ka soo baxay wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha dowladda oo ku wajahan shaqaalaha…

no responses
Saturday June 24, 2017 - 2:51 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Dowladda soomalia ayaa mudo seddex maalmood ah fasaxday dhamaan shaqaalaha dowladda munaasbadda ciidul fidriga awgeed.

War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha dowladda federaalka ayaa lagu shaaciyay in shaqaalaha gabi ahaanba la fasaxay si ay ula damaashaadaan eheladooda.

Halkaan hoose ka aqriso qoraalka wasaaradda ka soo baxay

Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada waxaa ay ku wargelineysaa dhammaan shaqaalaha hey’adaha Jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya iyo hey’adaha gaarka loo leeyahay shaqaalahooda in ay tahay fasaxa Ciidul Fitriga 2 maalmood iyo hal maalin oo ah maalinta xuriyadda ee gobollada Waqooyi 25-26-27 June 2017 oo maalinta 26 June loo soo raray maalinta Talaadada.

Sida ku cad sharciga shaqaalaha L. 11 Qod. 30aad, farqada 2aad iyo xeerka shaqada(Labour Code 65) ee soo baxay 18/10/1972dii, qodobkiisa 86aad Faqradiisa(b) in ay fasax yihiin shaqaalaha Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan maalmahaas.

Facebook Comments