Animation

Akhriso: Waqtiga Rasmiga ah ay Bilaaban doonto Doorashada Aqalka Hoose ee Hirshabeele oo la shaaciyay

2 responses
Monday November 14, 2016 - 6:19 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Guddiga doorashooyinka dadban ee heer dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa maanta oo Isniina qabtay shir jaraa’id oo ay uga hadlayaan doorashada Aqalka Hoose ee dhowaan ka dhaceysa magaalada Jowhar, iyadoo loo tartamayo 37 kursi oo ay ku tartami doonaan xildhibaanadii hore ugu fadhiyay iyo kuwo cusub,

Wajiga koowaad ee doorashada ayaa waxa ay billaaban doontaa 16ka bishan aynu ku jirno iyadoo lagu tartami doono 13 kursi oo ka mid ah 37 kursi ee taal gobolka Sh/dhexe.

Magaalada waxaa Hada ka socda Ol ole Xoogan oo ay Wadaan Musharrixiinta u Tartameysa Aqalka Hoose in ay kamid Noqdaan.

Qaabka ergada loo xulayo ayaa ah tan ugu dhibka badan, iyadoo musharixiinta ay wataan ergo halka oday dhaqameedyaduna ay iyaguna wataan ergo kale.

shax11-745x1024