Animation

Akhriso: Waa maxay sababta ay weeraradu u sii badanayaan, siddeese ayey Beesha Caalamku uga fal celin kartaa?

no responses
Monday May 15, 2017 - 7:42 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Markabkii ay dhowaan afduubeen budhcad badeedka Soomaalidu waxa uu ahaa shilkii ka dhaca xeebaha Geeska Afrika ilaa sannadkii 2012ka , waxaana maraakiib kale lagu bartilmaansadey Galbeedka Afrika.

Waa maxay sababta ay weeraradu u sii badanayaan, siddeese ayey Beesha Caalamku uga fal celin kartaa?

Warbixintii u danbeysey ee ay soo saareen Ururka Oceans Beyond Piracy waxay ka digeen amaanka maraakiibta ganacsiga, gaar ahaan meelaha u dhow Bariga Afrika. Waxay u muuqataa in inta la adkeeyey amaanka haddana faraha laga qaadey.

Iyada oo aan shan sannadood la afduubin maraakiib, ayaa markab calaamadiisu tahay Aris 13 oo sita calanka waddanka Comoros waxa laga afduubey bishii Maarso meel ka baxsan xeebaha Soomaaliya.

Budhcad badeedii waxa ay sii deysey markabkii iyo badmaaxyadiisii saddex maalmood ka dib iyaga oo aan la siin madaxfurasho. Laakiin isla todobaadyo gudahood waxa dhacay afduubyo kale.

 
Lahaysteyaal Burcad badeed: Waxaan cuni jirnay jiir

Dhinaca kale qaarada, budhcad badeedu ma ay yaraan, inkasta oo ay isbedeshay qaabkeedu. Warbixintii ay sannadkii 2015ka soo saareen Ururka Oceans Beyond Piracy waxay ku sheegeen in budhcad badeedku ku bateen Xeebaha Galbeedka Afrika.

Shantii weerar ee budhcad badeeda ee dhaca, mid ayaa ka dhaca xeebahaas, taasina waxay ka dhigtey marinada ugu khatarsan dhinaca bad ee gobolka.

Budhcad badeedu waxay afduubi jireen maraakiibta shidaalka, laakiin maadaama oo uu hoos u dhacey qiimihii shiidaalka, waxa isbedeley sababatii ay afduuban jireen oo ahayd madaxfurashada.

Maraakiibta shisheeyaha ayaa ahaa kuwa la bartilmaansado maadaama oo ay budhcad badeedu ka heli jirtey madaxfurasho badan. Afduubkani waxa kale oo lagu soo waramey in uu ahaa mid khatar ah. Waxay u muuqataa in wali qaabkan ay ku xoogsadaan. Dowladaha Wadamada Galbeedka Afrika waxa liita qalabka ilaaleynta badaha, tan ayaanay ka faa’deystaan budhcad badeedu.

MARKAB

Intii u dhexeysay sanadihii 2010ka ilaa 2011ka , budhcad badeedu waxay kharash gareysey ganacsiga maraakiibta lacag gaadheysa $7bilayan (£5.42bilyan) sanadkii.

Tan waxay keentey in beesha caalamku ka jawaabto, waxa isugu tegey Xoogaga Ciidamada Bada ee Midowga Yurub (European Union Naval Force) (EU NAVFOR) oo hogaaminayaan howshan iyo Ciidamada Bada ee Mareykanka

Isticmaalka Shirkadaha amaanka ee gaarka loo leeyahay oo markii hore aan la jecleyn ayaa caadi noqdey.

Dhaqaalaha lagu bixiyey iyo guusha laga gaadhey ayaa loo maleeyey in ay dhamaatey dhibaatadii budhcad badeedku.

Bishii Nofember 2015ka , Japan waxay yareeyeen mashruucii la dagaalanka budhcad badeeda, dhowr todobaad kadib Nato waxay joojiyeen howlgalkii Ocean Shield oo ay kaga howl geli jireen isla marin biyoodkaas ayna ku tilmaameen howgalkii ugu guusha badnaa ee ku guuleystey ahmiyadiisii.

Si kastaba ha ahaatee, budhcad badeedu runtii meelba ma ay qaban, weerar ayuunbey qaadi kari waayeen iyada oo ay badooda ku sugnaayeen ciidamo badan.

Waxaa rrintaasi sharraxaad ka bixiyay Abaanduulihii howlgalka ee Ciidamada Bada ee Midowga Yurub (EU NAVFOR) Maj Gen Martin Smith.

“Budhcad badeeda waxaanu ka qaadney fursada ay bada ku aadi lahaayeen….laakiin waanu ognahay awooda loo baahan yahay in ay yartahay, ” ayuu yiri.

BUDHCAD BADEED LA QABTEY

“Tan labaad, waanu ognahay in ay wali jirto doonitaankii. Shabakadihii budhcad badeeda wali wey jiraan, waxyaabo kale ayey qabanayaan, haddii aanu fursada siinana wey soo noqon doonaan.”

Waxa ay muuqataa in iminka waxa dhacay ay taas tahay., iyada oo ay qaar ka mid ah kooxihii ilaalin jirey budhcad badeeda ay howshoodii dhameeyeen oo ay dib dalalkoodii uu laabteen.

Tan waxa soo raaca kaluumeysiga sharci darada ah ee shisheeyuhu ka wado aagaas. Mid ka mid ah budhcad badeedii afduubtey markabka Aris 13 ayaa BBCda laanta Af-Soomaaliga u sheegey in maraakiibta shisheeyuhu aanay keliya xadeynin si sharci darro uga kaluumeysaneyn xeebaha Soomaaliya, balse ay xataa weerarayaan kaluumeysatada maxaliga ah.

“Waxa aanu raadineynaa maraakiib gaar ah oo baabiisey qalabkayaga kaluumeysiga, markii aanu isu soo jirney ilaa 8mayl, markii hore waxa uu u muuqdey doon kaluumeysi, markii danbe ee aanu gudaha u galney, waxaanu ogaaney in uu ahaa Markab sidda shiidaal. Waanu iska haynay, waayo wax naga lumaya ayaanba jirin.”

Iyada oo aan sheekooyinkan si madax banana loo cxaqiijin karin, waa run in ay wadamo shisheeye ahi si sharci darro ah uga kaluumeystaan xeebaha Geeska.

EU NAVFOR SOMALIA

Mashruuca Ololaha Jooji Kaluumeysiga aan Sharciga ahayn ayaa sheegey in iyada oo beesha caalamku aanu si siman uga howl gelin ay qayb ka tahay sababaha keeney dhibaatada.

Sidda ay sheegeen: “Sida adag ee wadamada kale isaga ilaaliyaan kaluumeysiga sharci darrada ah ayaa ku khasbay budhcad badeedka in ay raadsadaan meelaha ay yar tahay fursada lagu qaban karo iyo haddii la qabto ciqaabta oo yar, sidda (Galbeedka Badweynta Hindiya). ”

Xilka saaran ciidamada xeebaha ilaaliya ee caalamiga waxa uu ku eeg yahay la dagaalanka budhcad badeedka, oo shaqadoo kami ma ahan ka hortagga kaluumeysiga sharci darrada ah.

Dhibaatooyinka xeebaha bariga iyo galbeedka Afrikaba waxa qayb ka ah maqnaanshaha ama qaabka aan wanaagsaneyn ee loo maareeyo ilaalinta xeebaha. 90% waxyaabaha loo dhoofiyo ama laga dhoofiyo Afrika waxa la mariyaa bada.

Xeebaha Afrika waxa kale oo ku yaala marino muhiim ah sidda Gacanka Cadan, markaas in la ilaaliyo marinadan waxa ay u wanaagsan tahay labada qayboodba, Afrika iyo saaxiibadood, oo labadoodubana ay u baahan yihiin in ay caalamka tusaan in ay kor u qaadayaan amaanka xeebahooda.