Animation

Akhriso: Villa soomaliya oo soo Bandhigtay Taageerada uu xasan ka heysto Beelaha qaar iyo Codadka uu heli doono

no responses
Tuesday February 7, 2017 - 3:09 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Xasan Sheekh Maxamuud, madaxweynaha uu waqtiga ka dhammaaday, ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in hadda uu awood u yeeshay in mar labaad loo cumaamado Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya.

Kooxda u ololeynaysa Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kasbatay taageerada inta badan Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Somaliya, waxaana laga dhaadhiciyay in codadkoodu siiyan musharax madaxweyne, Xasan Sheekh Maxamuud.

Ilo wareedyo, ayaa xaqiijinaya in Villa Somalia ay galaangal u yeelatay soo jiidashada xubno ka mid ah musharaxiinta mucaaradka. Marka laga soo taggo tobankii musharax ee xalay ku midoobay Magaalada Muqdisho, ayaa intooda kale waxaa la leeyahay waxay u janjeeran dhinaca Xasan Sheekh Maxamuud.

Villa Somalia oo culeys badani uu ka haystay sidii ay u kala fur furi laheyd musharaxiinta mucaaradka, ayaa waxay warar madax bannaan sheegayan in markaan ay awood u yeelatay, in ay kasbato ugu yaraan toban ka mid ah, laba iyo labaatanka xubnood ee u sharaxan jegada ugu sareysa dalka.

Warbaahinta gudaha, ayaa ogaatay in musharaxiinta iyo Xildhibaanada taageersan Xasan Sheekh Maxamuud lagu soo jiitay ballanqaadyo muhiim ah oo loo sameeyay, sida in qaarkood loo magacaabi doono Wasiiro, Safiiro iyo Taliye-yaal ciidan, halka qaar kalana lagu kasbaday taageero maaliyadeed.

Arrinta xiisaha leh, ayaa waxaa weeye iyadoo musharaxiinta mucaaradka u ololeynayso ay ku jiraan Xildhibaano, kuwaa oo ka socda dhinaca Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale waxaa jira Saraakiil sar sare oo u ololeynaysa musharaxiinta ka soo horjeeda madaxweynaha uu waqtigiisu dhammaaday, iyadoo hadana ay muuqato in ay la safan yihiin Villa Somalia.

Mucaaradka, ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya weli inaanay ku soo baraarugin xubnaha u ololeynaya, misena ay soo dirsatay Villa Somalia. Madaxtooyada Muqdisho waxay markaan awooday in xoggo ka hesho halka ay marayan ololaha mucaaradka.

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo, ayaa xaqiijinaya in Villa Somalia ay hadda haysato taageerada inta badan Xildhibaanada Labada Aqal, marka laga soo taggo in culeys uu ka haysto Xildhibaanada Puntland.

C/weli Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha Puntland oo Axadii soo gaaray Magaalada Muqdisho, ayaa kulamo kula qaatay Xildhibaanada Labada Aqal qaarkood, wuxuuna ugu yeeray in ay ka shaqeeyan, sidii is bedel uu ugu imaan lahaa hogaanka dalka.

Tani, ayaa waxaa loo maleynaya in ay sabab u tahay culeyska Madaxtooyada Somaliya ka haysta in ay hesho codadka Xildhibaanada lagu soo doortay Magaalada Garoowe ee Xarunta Puntland.

Cilmi baaris lagu sameeyay doorashada Somaliya, ayaa natiijadeeda horudhaca ah waxaa lagu ogaaday in Xasan Sheekh Maxamuud uu ugu horeeyo u tartamayaasha jegada madaxtinimada dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo sida uu taageerada uga haysto beelaha

Beelaha Digil & Mirifle (60 xubnood)
Beesha Hawiye (57 xubnood)
Beesha Dir (50 xubnood)
Beesha Daarood (27 xubnood)
Beesha Shanaad (25 xubnood).

Waxa Hadda Hotelka SYL ka socda Dhoolatus uu sameynayo Xasan Sheekh Maxamuud, halkaas oo ay ku sugan yihiin Xildhibaano farbadan oo taageersan.

Sida uu yahay qorshaha kooxda Madaxweyne Xasan, kulamo aan loo kala kici doonin, ayaa galabta illaa saqda dhexe ee caawa ka sii socon doono Villa Somalia, xilli berrito lagu wado in Xildhibaanadu soo doortan madaxweynihii dalka hogaamin doona afarta sano ee ina soo aadan.

Si kastaba ha-ahaatee wixii ka dambeeyay burburka dowladdii militariga, sida aan taariikhda ka baranay, waa wax ugub ah in mar labaad la soo doorto madaxweyne dhameystay muddo xilleedkiisii.