Animation

Akhriso: Tirada Guud ee Xildhibaanada Aqalka Hoose iyo Aqalka sare ee Ilaa iyo Hada la doortay

2 responses
Monday November 21, 2016 - 9:01 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Iyadoo weli Maamul Goboleedyada Dalka ay ka socdaan Doorashooyinka Xildhibaanada Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaliya ayaa Guddiga Doorashooyinka Dadban waxa ay shaaciyeen Tirada Xildhibaanada Ilaa iyo Hada la doortay.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Soomaaliya Abuukaate Cumar Dhagey ayaa sheegay in Xildhibaanada Aqalka Hoose ee illaa hadda la soo doortay ay yihiin 112 Mudane halka Aqalka sarena loo doortay 43 Xildhibaan, waxaana wadarta guud ee Xildhibaanada la doortay ay noqonaysaa 155 Xubnood oo isugu jira Aqalka Sare iyo Aqalka hoose.

Abukaate Cumar Cabdulle, ayaa sheegay 20 ka mid ah Xildhibaanada la doortay inay yihiin haween, taasi oo uu ku tilmaamay inay tahay guul u soo hooyatay Guddiga Doorashada oo si rasmi ah u xaqiijiyay Qoondada Haweenka ee Baarlamaanka.

Cumar dhagey ayaa intaa ku daray in Xildhibaanada Aqalka Hoose ay hadda Doorashadooda si Hab sami leh u socoto islamarkaana ay Goor  dhaw soo idlaan doonto.