Somali News

AKHRISO: Taliyaha Ciidanka Booliska Somalia oo Saraakiil u Magacaabay xilal cusub.

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa Xilal u cusub u magacaabay Saraakiil ka tirsan ciidankaas.

Wareegto ka soo baxday taliyaha ayaa lagu xilal cusub loogu magacabay sadex ka mid ah saraakiisha Booliska oo kala ah

1) G/Sare Cabdikariin Xuseen Macalin ayaa loo magacaabay Taliyaha Akedeemiyada Gen.Kaahiye

2) G/lle Cabdifitaax Bashiir Cali Taliyaha Saldhigga Booliska garoonka Aadan cadde.

3) G/lle Asad Cabddalla Saciid Taliyaha Laanta Miina Baarista ee ciidanka Booliska.

Saraakiishan ayaa la faray iney si dhaqsi ula wareegaan xilalka cusub ee loo magacaabay iyo taliyeyaasha iyo hoganada Booliska la faray iney waajibaadkooda gacan ku siiyaan.

Related posts

Akhriso: Madaxweyne farmaajo oo Jawaab cad siiyay qabiilada u hanqal taagaya in loo magacaabo xilka ra’isul wasaaraha

Tifaftiraha K24

Daawo Muuqaal: Axmad Madoobe oo Arimo Muhiim ah ka sheegay Safarkiisa Muqdisho uu ku tagay

Tifaftiraha K24

Labada Duq Magaalo ee Muqdisho iyo Ankara oo ka wada hadlay Xoojinta Iskaashiga Caasimaddaha

admin