Akhriso:- Taliska Booliiska Degmada Afgooye oo soo saaray Go’aamo la Xariira Ammaanka

no responses
Sunday February 11, 2018 - 2:08 under Somali News by Ahmed sudani
mqdefault
Spread the love

Taliska Booliska degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa soo saaray awaamiir la xariirta amniga degmada Afgooye kadib weerar xalay Al-Shabaab ay ku qaadeen wallow dagaal aan sidaas u weyneyn uusan ka dhicin sida uu sheegay Maamulku.

Taliyaha Saldhigga Degmada Afgooye Cabduqaadir Cismaan Mursal ayaa sheegay in Guud ahaan amniga Afgooye uu yahay mid wanaagsan isla markaana dhammaan Ganacsiga iyo Shaqooyinkii Caadiga ahaa ee degmada uu socdo.

Waxa uu sheegay in ay jiraan rag ka tirsan Al-Shabaab oo mararka qaar rasaas ku soo tuur tuura degmada balse ay iska difaacaan.

Waxa uu hadalkiisa intaasi ku daray in amniga Magaalada uu yahay mid la’isku haleyn karo taasina uu ku yimid wadashaqeyn dhexmaraty Shacabka iyo Maamulka,isaga oo ugu baaqay Shacabka in ay meeshooda ka sii wadaan.

Facebook Comments