Animation

Akhriso: Taariikh Kooban oo ku Saabsan Kacaankii 21-ka Octobar

no responses
Friday October 21, 2016 - 9:54 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Kacaankii xukunka Militari waxa uu Dalka ka talinayay intii u dhaxeeysay 1969-1991-kii, dadka qaarba magaca ay jecelyiihiin bay ugu yeeraan, Sida Xukunkii Askarta, Kacaanka ama Nidaamkii Hantiwadaagga iyo xukunkii Maxamed Siyaad Barre, balse aan ku bilaabo sida uu u dhismay GOLAHA SARE EE KACAANKA:

Markii Ciidamadu inqilaabka ku rideen Dawladdii Rayed ahayd ee la soo doortay bishii Oktoobar 21-keedii 1969kii, waxay dhiseen Golihii Sare ee Kacaanka , oo ka koobnaa 25 sarkaal, oo isgu jira 20 Xoogga Dalka ah iyo 5 Booliska ah, oo Madax uu u noqday M.S. Barre oo markaa ahaa Taliyaha Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Golahaasi wuxuu la wareegay Awooddii Dalka oo idil, tii Sharci-dejinta, ( Barlamaan) tii Fulinta ( Xukuumadd) iyo tii garsoorka,waxaa kale oo ka mid ahaa tallaabooyinkii ugu horeeyay uu golahaasi ku dhaqaaqay kala diriddii Barlamaankii la soo doortay, baabi’intii Dastuurkii Qaranka 1961 kii, Mamnuuciddii dhammaan Axsaabtii siyaasadeed, iyo ururadii madaniga ahaa ee ka jiray waddanka, iyadoo awooddii oo dhan ay ku ururtay hal hey’ad oo waliba askar ah, waxaa Soomaliya u bilaabatay cabsi Dektaatooriyad, oo la mid ah kuwii ka jiray meelo kale oo addunka ka tirsan siiba Laatiin America, bariga dhexe iyo Africa. Billawgii Kacaanka waxuu lahaa golaha Sare awood wadaag, wax lagu timaami karo, laakiin sannad ka diba awoodaasi waxay ku ururtay gacant Madax-waynihiisii M.S.Baree, Golihiina waxaa u soo haray magac qur ah. Waqtigaas meeshaba ma oollin wax barlamaan iyo noloshiisa ah oo aan ka haddalla.

1976-kii waxaa la asaasay Xisbiga Hanti-wadaagga Kacanka Soomaaliyeed, waxaana ka soo qayb-gelay shir-waynihii lagu asaasay Xisbiga 3.000 qof oo la isugu geeyay meel Xero Ciidan ah waana Kulliyaddi loogu magic daray Kulliyaddi Jaalle Siyaad. Dadkaasi waxaa badi laga soo xulay, Degmooyinka Dalka, Xaafadaha Magaalooyinka iyo hey’adaha Dawladda meelihii lagu magacaabi jiray Xarumaha Hanuuninta iyo ururada bulshada, waxaana shirkaa asaasidda Xisbiga lagu magacaabay Gole-dhexe oo ka kooban 42 qof, oo bar ka mid ahi yihiin golihii sare ee kacaanka, inta kalana wasiiradii markaa jiray iyo saraakiil Ciidamada laga keenay, waxaa lagu soo daray tiro yar oo laga keenay Ururadii Bulshada, sida ururada shaqaalaha, Hawaynka, Dhallinyarada iyo Iskaashatooyinka , iyadoo loo doortay M.S. Baree Xoghayaha Guud ee xisbga.

Waxaa la baabi’iyay Golihii Sare ee Kacaanka, Seddexdii Awoodood ee Qarank, ayaa mar labadd loo soo raray Golaha Dhexe ee Xisbiga Magac ahaan, dhab ahaanna waxay mar kale loo soo raray gacanta Xoghayah Guud oo isku darsaday jagooyonkii Dalk oo dhan.

Inkastoo Xukun walba haddii uu dheeraado uu yeelanayaa dhaliilo balse haddi aan wax ka timaano Waxqabadkii Kacaanka,Dalka wuxuu ku tallaabsaday horumar dhaqan, dhaqaale dhan kasta leh, waxayna taasi keentay in Soomaaliya noqoto dal sharaf iyo Karaamo ku dhex leh caalamka gaar ahaan dalalkii Afrika, haybadaasi Kacaanka horseeday darteed waxaa Soomaaliya loo doortay in ay marti geliso bishii Juunyo 1974-kii shirkii Midowga Afrika oo Muqdisho ka dhacay xiligaasi, waxaana Guddoomiye sanadeed loo doortay Jaalle Siyaad Aabihii Kacaanka, Muddadii uu hayay xilka Midowga Afrika Jaalle Siyaad si cad ayuu ugu soo dhalaalay, wuxuuna nabad ka dhex dhaliyay dalalkii Ugandha iyo Tansaaniya colaadii dhex tiilay, dadaalkii Kacaanka wuxuu gaaray in heer Afrikaan iyo Carab u gudbo, wuxuuna u gudbay Aasiya, 1971-kii Mashaqadii ka dhex aloosneed Pakistaan iyo Bengaladhesh, waxayna Soomaaliya ku guuleysatay in Guddi Madax looga dhigay Soomaaliya in ay abuurto Labo dal oo walaaltinimo ku wada noolaado Pakistaan iyo Bangaladhesh, taasoo keentay in Madaxweynihii u horeeyay ee Bangaladhesh soo saaro amar ahaa in qof wata Baasaboorka Soomaaliga in dalkiisa ku soo geli karo kuna joogi karo Viiso la’aan.

Marka laga soo tago arrimaha dibada Hadafka Kacaanku wuxuu ahaa in la abuuro bulsho ka tayo wanaagsan dadyowga kale ee dalalka Afrika, kana tashato awoodeeda si meesha looga saaro ku tiirsanaanta kaalmada shisheeye

Guulihii ugu muhiimsanaa ee Kacaanka lagu xasuusan yahay waxaa ka mid ah 21-kii Janaayo 1973-kii waa maalin ku weyn shacabka Soomaaliyeed taariikhdana baal dahab ka gashay, waa maalintii la hirgeliyay qorista Far-Soomaaliga, waxaana Kacaankii ka hor wax lagu qori jiray laguna baran jiray Carabi, Ingiriis iyo Talyaani, waxaana bulshada la tusay in ku hadalka luuqadaha shisheeye iyo cilmiga kala duwan tahay, af qalaadna aqoonta aheyn.

Ka hor Kacaanka waxay dadka dhib ku qabaan aqoonta iyo waxbarashada, wuxuuna furay wado qof kasta oo Soomaaliyeed fursad u siineyso in uu wax barto, ilaa baadiyana la gaarsiiyo aqoonta lagu baranayo afkeena hooyo, wuxuu dejiyay manaahij tayo leh, waxaana abuurmay Jaamacaddii Ummadda ee kacaanka aas aasay, taasoo ka koobneed 15 Kulliyadood, ardaydii ka qalab jibisayna maanta dadkooda iyo dalkooda wax ugu qabtay wixii ay ka barteen Kacaanka.

Kacaanka wuxuu aad ugu dadaalay horumarinta daryeelka bulshada gaar ahaan dhinaca Caafimaadka, wuxuuna halku dhig ugu dhigay ololaha caafimaadka haddii caafimaad aan jirin nolol ma jirto, waxaana tallaabada kooweed ay noqotay in dadka laga wacyigeliyo waxyaabaha keeni karo caafimaad xumada, (Inta wasaqdu kuu jirto ayaa cudurku kuu jiraa) waxaana degmo kasta laga furay goobaha lagu xannaaneeyo hooyada iyo dhallaanka (MCH), waxaana la kordhiyay goobaha caafimaadka.

Dhinaca Dhaqaalaha Kacaanku wuxuu qarameeyay oo uu la wareegay dhamaan Bankiyadii shisheeyuhu lahaa, wuxuuna gacanta ku dhigay oo la qarameeyay warshadihii Sonkarta Jowhar SNAI, Wakaaladdii Mooska Ente Banane, Warshadii Xoogga Korontada, kuwii Shidaalka iyo Shirkaddii Ceymiska, waxaana muddo kadib la dareemay waxtarka ilahaasi dhaqaale, wuxuuna sare u qaaday Kacaanka Dekaddihii iyo Garoomada diyaaradaha oo horay u ahaa kuwo liita.

Si dhismaha dalka loo horumariyo wuxuu Kacaanku bilaabay in uu abaabulo dadweynaha loona tababaro howshii Iskaa wax u qabso, barnaamijkaasi xiligaasi bilowday ayaa maanta Muqdisho dhismayaasheedu ay ku taagan yihiin, wuxuuna dadweynihii u iftiimiyay in ay kheyraadka kala soo baxaan badda iyo beeraha oo ay dadku wax badan ka fahmeen.

W.D. C/lahi Xuseen Calasow Ruush