AKHRISO: Sida Kenya Ku Qabsatay Gobolka Waqooyi Bari Iyo Sida Ay Ugu Fashilantay Qabsashadii Balad Xaawo ( W/Q: Abdi Kafi Abdi Abdille).

0

Magaalada Xaduuda Ku Taal Ee Balad Xaawo Ayaa Ah Magaalo Qadiimi Ah Somaliyana Uga Taal Goob Muhiim Ah Istiraaji Ah Waxayna Xaduudo La Wadaagtaa Wadan Ka Kenya Gaar Ahaan Magaalada Mandheera Ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya Oo Soomaliya Aaminsan Tahay Dhul Ay Leedahay.

Dhulkaan Ayaa Waxaa Kala Gooyey Gumeystihii Ingiriiska Ee Haysan Jiray Dalka Kenya Iyo Gobolkaan Waqooyi Bari  Oo Ay Somalidu Dagto.

Gobolka Waqooyi Bari (( North Eastern Province)) Waa Gobol Kamida Wadanka Kiinya, Dhamaan Dadka Ku Noolina Waa Somali, Laakiin Kama Tirsana Wadanka Soomaaliya Waa Gobol Kamida Wadanka Kiinya.

Gobolkan Waxa Uu Wadanka Kenya Lagu Daray Xiligii Gumaysiga Waxa Jirtay In Dhamaan Dadka Ku Nool Gobolkaas Laga Qaaday Cod Bixin, Cod Bixintaas Oo Dhamaan Ay Ku Raacaeen Ama Ay Ku Dooneen Dhamaantood In Ay Ku Biiraan Wadanka Soomaaliya, Maadama Ay Yihiin Somali Lakin Taasi Madhicin, Ka Dib Markii Xoog Lagu Qasbay Wadankaas  Waxa Dhacday In Gumaystihii Ingiriisku Uu Si Qasaba U Raaciyo Dawlada Kenya.

Dadka Ku Nool Gobolka Dhamaantood Waa Soomaali Tiradooduna Waxa Ay Dhantahay 1.762,370 Tirada Ama Masaxada Uu Ku Fadhiyo Gobolka Waqooyi Bari Waa 126.186, Gobolku Waxa Uu Ka Koobanyahay Deegaamo Magaalooyinka Ugu Waawayna Waxaa Ka Mid Ah.

  • Wajeer
  • Ceel Waaq Kenya
  • Mandheera
  • Gaarisa
  • Lafey

 

Taariikhda Kooban Ee Balad Xaawo

 

Soomaaliya Dhaaqaale Badan Ayay Ka Heli Jirtay Xaduudka Balad Xaawo Maadaama Gobolka Waqooyi Bari Badeecada Ugu Badan Ka Heli Jireen Dalka Somaliya.

Kenya Xiligaas Malahayn Wadooyin Dhisan Oo Soo Gala Waqooyi Bari Kenya Marka Laga Reebo Wadooyinka Rafka Ah.

Magaalada B/Xaawo Geography Ama Qariirad  Ahaan Waxay Dhacdaa Waqooyiga Gobolka Caanka Ah Ee Gedo Oo Ah Gobolka Labaad Ee Ugu Baaxada Weyn 18 Gobol Ee Soomaaliya Waa Goob Halboowle & Laf Dhabar U Ganacsiga Koonfurta & Bartamaha Soomaaliya Waan Goob Kulmiso Ganacsato Ka Kala Timid Soomaaliya Kenya & Ethopia Taas Oo Kor Uqaaday Hormarka Ganacsi Ee Magaalada Kana Yeeshay Goob Loo Soo Beec Geeyo Badeecooyin Kala Duwan Xadaarad Ahaan Waa Magaalo Kulmisatay Dhaqamo Luuqada & Xadaarada Kala Duwan Taas Oo Ilbaxnimadeeda Ka Dhigtay Mid Cirka Isku Shareertay Ayna Dheertahay Magaalooyin Badan Oo Taariikh Ahaan Kafac Weynaa. Barigii Barwaaqada & Dowlada Ay Jirtay Daqliga B/Xaawo Kasoo Xaroodo Wuxuu Ahaan Jiray 13.5% Isku Celcelis Daqliga Guud Ee 92-Da Dagmo Ee Ay Soomaaliya Ka Koobantahay Uu Soo Saaro, Sida Ku Qoran Manhajkii Dhaqaalaha Dalka Gaar Ahaana Somali Ecconomic Gearaphy Oo Lagu Qaadan Jiray Fasalka 4aad Ee Dugsiga Sare ( Form 4 ) Oo Tixraac Loola Laaban Karo Cidii Mugdi Oga Jiro Taariikhda & Ahmiyada Magaalada Xiligii Gumaystaha Waxaa Ku Yaalay Saldhigyo Ciidan Oo Uu Gamaystaha Ka Samaystay Walow Markii Danbi Si Naf La Caari Ah Uu Xiray Kadib Markii Uu Ka Soo Hoysan Waayay Dhaqdhaqaayo Gobanimo Doon Oo Si Madax Banaan Oga Jiray Deegaanka Kadib Taas Oo Bulshada Deegaanka Ay Kudiiday Hamigii Gumaystaha Ee Ahaa In Ay B/Xaawo Kamid Noqoto Gobolka Waqooyi Bari Ee Kenya Ee Uu Gumaystihii Ingiriiska Hadayada U Siiyay Dowladii Kenya.

Horaantii Todobaatameeyadi Waxaa Loo Gartay Inay Noqoto Xarunta Gobolka Gedo Balse Moogica Ay Dhacdo Oo Ah Goob Kulmiso Wadamo 3 Dal Darteed Ayaa Muda Kadib Looga Wareejiyay Inay Sii Ahaato Xarun Goboleed Waxaana Laga Qaaday Sandii 1985 Xiligaas Oo Wafdi Uu Horkacaayo Dr C/Qaadir Xaaji Massle Oo Ahaa Wasiirkii Arimaha Gudaha Ay Magaalada U Yimaadeen Inay Ka Wareejiyaan Xarunta Gobolka Oo Loo Baahday In Laga Dhigo Magaalada G/Hareey Oo Dhacdo Ubucda Gobolka Laakiin Taa Badelkeedi Waxaa Wasaaradii Ganacsiga Ay U Caleema Saartay Magaalada Inay Noqoto Xarunta Ganacsiga Koonfu Galbeed Soomaaliya In Waxaa Markaasbo Ka Hana Qaaday Suuqyo Xor Ah Oo Loo Soo Beec Gayn Jiray Badeecoonyinka Dalka ( National Production ) Gaar Ahaana Dalaga & Qudaarta.

 

 

 

 

 

Kenya Goorma Ayay Bilowday Howsheeda Xaduudka Balad Xaawo

Ka Dib La Wareegitaan Kii  Gobolkii Somalidu Lahayd Ee Waqooyi Bari Waxay Dowlada Kenya Isku Dayaysan Sidii Ay U Hanta Lahayd Magaalada Beled Xaawo Ee Somaliya Waxaana Ka Fashilmay Isku Dayo Badan Oo Ay Samaysay Waxaana Ka Hor Istaagay Shacab Ka Degmada Ee Aan Haysan Dowlad Quwad Leh Oo Looga Cabsado.

Wixii Ka Danbeeyay Sanadii 2011 Dowlada Kenya Ku Haminaysay Sidii Darbi U Marin Lahayd  Xaduud Beenaad Ay Samaysatay Waxaana Guduha Xaduud Ka Ay Samaysatay Ku Jira 2,000 Oo Guri Oo Ay Leedahay Somali Kana Mid Ah Dalkeena Soomaaliya.

Xaduudaan Maahan Midii Uu Sameeyay Gumaystihii Ingiriiska, Waxaana Ingiriiska Uu Galiyay Biro Waa Weyn Oo Lagu Garto Xaduudka Una Aasan Dhulka Hoostiisa

Maarso 23 2018 Subaxnimadii Hore Waxaa Lagu Soo Toosay Ciidamo Ku Raran Hubka Calculus Iyo Gawaarida Gaashaaman Oo La Wareegay Xaduudka Balad Xaawo Iyo Mandheera.

Hasayeeshee Shacibka Degamada Ayaa Iska Diiday In Kenya Ay Dhisato Dhul Ay Soomali Leedahay Ama Ay Dhisato Dhulka Labada Dalka U Dhaxeeya Ee Ladooduba Ka Caagan Yihiin Isticmaalkiisa, Dhismihisa Iyo Noolaanshihiisa.

Beec Maahan Balad Xaawo

Waxaa Qoray Abdi Kafi Abdi Abdille.