Animation

Akhriso Sida ay Beelaha u kala heleen Barlamanka Hiiraan iyo Shabelle. ( DHAGEYSO )

no responses
Monday September 19, 2016 - 5:50 under Somali News by admin
mqdefault

Magaalada Jowhar Maanta waxaa lagu soo gaba gabeeyay Wajiga Labaad ee Shirka Maamul u Sameynta Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe iyadoona Maanta la shaaciyay in ergada Labada Gobol ay ku heshiiyeen Saamiq eybsgiga Xildhibaanada Maamulka Cusub loo dhisi doono.

Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Yaxye Cali Ibraahim ayaa sheegay in heshiis laga gaaray qeybsiga xildhibaanada Baarlamaanka uu yeelanayo Maamulka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe,Islamarkaana Beelaha labada gobol ugu baaqay in 48-saac gudahood ay ku soo xareeyaan Ergada .

Waxaa soo baxaayay Tiro Hordhac ah oo k24 ay heshay iyadoona la shaaciyay Beel kasto Xubnaha uga soo aaday qebsiga xildhibaanada labada gobol.

Halkaan Hoose ka Aqriso Tiro Hordhac ah oo aan helnay iyo sida Beelaha ay ugu aaday Saamigooda.

1- Beesha Abgaal waxaa kusoo aaday 15 Xubnood

2- Beesha Xawaadle waxaa kusoo aaday 13 Xubnood

3- Beesha Gaaljecel waxaa la siiyay 12 Xubnood

4- Beesha Jareer weyne waxaa la siiyay 11 Xubnood

5- Beesga Gugundhabe waxaa la siiyay 11Xubnood

6- Beesha H/gidir waxaa la siiyay  5 Xubnood

7- Beesha Moobleen waxaa la siiyay 3 Xubnood

8- Beesha Ciise Muddulood waxaa ku aaday 3 Xubnood

9- Beesha Hiilibi waxaa la siiyay 2 Xubnood

10- Beesha Shiiqaal waxaa la siiyay 1 Xubin.

Hadaba Waxaan Goordhaw soo Gudbin doonna Tirada oo dhameystiran iyo Belaha kale sida ay ugu aaday Xubnaha qeybtaan waa Hordhaca aan helnay Insha allah Isagoo dhameystiran oo qolaar ah ayaan goordahw idin soo gudbin doonna.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Codka Xog-hayaha Joogtada Wasaarada Arimaha Gudaha