Akhriso: Sharuudo adag oo lagu xiray Wasiirada isku soo sharaxay xilka guddoomiyaha baarlamaanka

0

Wasiirrada xukuumadda kheyre ee Isku soo sharaxay Doorashada guddomiyaha baarlamaanka oo lagu xiray sharuudo adag oo aysan ka bixi karin.

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in marka hore wasiirada ay iska soo casilaan xilka wasiirnimo markaas kadib laga aqbali doono araajidooda Musharaxnimo.

Guddiga wuxuu si cad u sheegay in marnaba aysan araajidooda ka qaban doonin wasiir haaya xilka wasiirnimo hadana doonaya in uu isku soo sharaxo xilka guddoomiyaha baarlamaanka.

Sharuudaan adag ee guddiga doorashada uu soo saaray ayaa waxaa ashtako xoggan ka muujiyay musharixiinta wasiirrada ah waxaana hadda hor yaala laba daran mid dooro oo kala ah in ay waayaan xilka wasiirnimo si ay ugu tartamaan doorashada kursiga guddoonka baarlamaanka ama in ay iska dhaafaan doorashada oo kursigooda ay ku dheganaadaan waxaana wasiir kastaa uu ka baqaya haddii uu iska casil xilkiisa wasiirnimo in hadhoow uu ku guuleysan waayo doorashada guddoomiyaha baarlamaanka halkaasna uu ku khasaaro.

Wasiirka Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa su’aal ka keenay hadal ka soo yeeray Guddiga qaban qaabada Doorashada waxaana uu sheegay in dastuurka uu qabo qofka wasiirka ah in uu isku soo sharixi karo doorashada guddoomiyaha baarlamaanka isagoo aan xilkiisa iska casilin balse wuxuu xusay haddii wasiirka uu ku guuleysto kursiga guddoonka baarlamaanka markaas in uu weynaayo jagadiisa wasiirnimo.