Breaking News Somali News Top News

Akhriso: Ra’isul wasaare Kheyre oo Wasiiro Cusub Magacaabay iyo isku shaandheyn la sameeyay

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane; Xasan Cali Kheyre, ayaa Magacaabay xubno wasiirro ah oo ka mid noqon doona Golaha wasiirrada ee xukuumadda Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya mudane; Daahir Maxamuud Geelle oo warbaahinta u akhriyay wasiirrada cusub ee uu Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Magacaabay ayaa kala ah sidan:-

Mudane; C/llaahi Goodax Barre, Wasiirka Wasaaradda waxbarashada iyo Tacliinta sare.

Mudane; Sheekh Nuur Maxamed Xasan , Wasiirka Awqaafta iyo arrimaha Diinta.

Mudane; Xuseen Sheekh Maxamuud Xuseen, Wasiirka xannaanada Xoolaha.

Mudane; C/llaahi Bidhaan Warsame, wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda.

Mudane; C/qaadir Sheekh Cali Baqdaaddi, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada.

Mudane; Shawaqar Ibraahim Cabdalla; wasiir ku xigeenka Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha.

Wasiirrada cusub ee la Magacaabay ayaa la faray in ay si deg-deg ah ula wareegaan xilkooda, waxana wareegtadani lagu Magacaabay wasiirrada ay kusoo bixi doontaa faafinta rasmiga ah ee Dowladda federaalka Soomaaliya.

Related posts

War Deg Deg ah:- Ciidamada Beesha Celi oo la wareegay Taliskii Ciidamada Galmudug ee Dagmada Cabudwaaq

admin

Dowlada somali cabsi ka qabta in……

admin

Sirdoonka Mareykanka ku dhex leeyihiin Al‐Shabaab oo gaaray heerkii ugu sareeyay

admin