Akhriso: Ra’isul wasaare kheyre oo mamnuucay in hadda wixii ka dambeeyo xilalka laga qaado Agaasimayaasha iyo Xoghayeyaasha Wasaaradaha

0

Qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa lagu joojiyay in aan xilalka laga qaadin Agaasimayaasha Guud iyo Xoghayaasha Joogtada ah ee Wasaradaha, iyadoo aan lagala tashan Ra’iisul wasaaraha.

Qaar ka mid ah Wasiirada dowlada federalka ayaa hore shaqo joojin ugu sameeyay Agaasimayaasha Guud iyo Xoghayeyaasha Guud, taasoo ka dhalata khilaaf iyo is qabqabsi ku aadan qaabka shaqo joojinta loogu sameeyo.

Halkaan Hoose ka Aqris Wareegtada