Animation

Akhriso: Qoddobada Rasmiga ah ee ay ku heshiiyeen Galmudug iyo Ahlu-sunna oo Maanta Villa soomalia lagu dhameystiray

no responses
Wednesday December 6, 2017 - 4:52 under Somali News by admin
mqdefault
Spread the love

Maamulka Galmudug iyo Ahlusunna waljamaaca, ayaa maanta heshiis rasmi ah oo ka kooban 14 qodob ku kala saxiixday xarunta Madaxtooyada qaranka ee Magaaladda Muqdisho, iyaddoo ay goob joog ka ahaayeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Wasiirka arrimaha gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya, Mudane Cabdi Faarax Juxa oo hishiiska ay gaareen labada dhinac  qeyb ka saxiixay iyo masuuliyiin kale.

Heshiiskan ayaa qodobada ugu muhiimsan waxaa ka mid ah in hogaamiyaha Ahlu Sunna Sheekh Shaakir uu noqonayo Madaxa Xukuumada dowlad goboleedka Galmudug iyadoo xilkaasi uu yahay mid aysan hore u lahayn maamul goboleedyada dalka.

Halkaan hoose ka akhri qodobada Heshiiska Galmudug iyo Ahlusunna.

Facebook Comments