Animation

Akhriso: Qodobada kasoo Baxay Heshiis Hordhac ah oo Imaaradka Carabta ay ku Gaareen Madaxweynayaasha Galmudug iyo Puntland

no responses
Tuesday November 1, 2016 - 5:08 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wadanka Isutaga Imaaraadka Carabta Maanta waxaa ka dhacay Kulan Dhexmaray Madaxweynayaasha Maamulada Galmudug iyo Puntland.

Kulanka oo ahaa Mid xasaasi ah ayaa waxaa Madaxweynayaasha Cabdi Kariim Guulled iyo Cabdi Wali Gaas ay gaareen Heshiis Hordhac ah.

Heshiiska ayaa waxaa Goobjoog ka ahaa Madaxda Dowladda  Imaaraadka Carabta,Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe,Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan iyo Madaxweynaha Maamulka Cusub ee Hirshabelle Mudane Cali C/llaahi Cosoble.

Heshiiska Hordhaca ah ee Labada Masuul Isla garteen waxaa kamid ah in Dagaalka Galkacyo la joojiyo Sida ugu Dhaqsiyaha Badan.

Qodobada Heshiiska Hordhaca ah waxaa ka mid ah in Labada masuul ay Heshiis Rasmi ah oo lagu soo Afjaraayo gabi ahaan Colaada Galkacyo lagu qaban doono Magaalada Kismaayo kaasi oo ay Garwadeen ka tahay maamulka Jubbaland.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa soo dhaweysay Heshiiska hor dhaca ah ee ay wada gaareen Madaxweyneyaasha Puntland iyo Galmudug,waxaana Dowladda Federaalka ay ugu baaqday in ay dhameystirto Heshiisiinta Labada Maamul.