Somali News

AKHRISO: Puntland oo qeylo dhaan kasoo saartay weerarkii Hadaaftimo, kuna dhawaaqday.

War qoraal ah oo sida la sheegay kasoo baxay Taliska ciidamada Daraawiishta Puntland, ayaa looga hadlay dagaal saaka ka dhacay duleedka deegaanka Hadaaftimo ee gobalka Sanaag oo ay isku dagaalameen Puntland & Somaliland.

Warsaxaafadeedkan, waxaa lagu sheegay in ay ciidamada Puntland ku filan yihiin difaaca deegaanadaas, balse shacabka ayaa haddana loogu yeeray in ay qeyb ka noqdaan dagaalkan.

Qoraalka, waxaa lagu sheegey in ay Puntland qabatay Maxaabiis dhan 50 maxbuus, balse warar goobjoogayaal ka madax banaan labada dhinacba ay u sheegeen PuntlandTimes ayaa cadeynaya in 3 askari oo kasoo jeeda Puntland lagu waayay dagaalka ilaa haddana aan xaaladooda war laga heynin, sidas oo kale Somaliland ay qabsatay subaxnimadii hore saldhiga ciidamada Puntland.

Balse ay dib uga baxeen, waxaana wararku sheegayaan in ilaa hadda aysan jirin faahfaahin rasmi ah oo ku wajahan khasaaraha ka dhashay weerarkan.Image may contain: text

Related posts

Xaaji Xuseen Gacayte iyo Ra”iisulwasaarihii Hore ee Soomaaliya oo Bosaaso Kulan ku Yeeshay.

admin

Dowladda Dhaxe oo aad ugu hanjabtey Al-shabaab.

admin

Dowladda Itoobiya iyo Jabhadda ONLF oo Wada hadal Rasmi ah uga Furmay Magaalada Nairobi

admin