Animation

Akhriso: Pentagon-ka mareykanka oo war xasaasi ah ka soo saaray weerarka lagu bur buriyay saldhig shabaab ay ku leeyihiin saakoow

no responses
Sunday June 11, 2017 - 5:25 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Pentagon-ka mareykanka ayaa sheegtay in aroornimadii Axadda ay weerar cirka ah ay ka fuliyeen Koofurta Galbeed Soomaaliya, waxa ayna sheegtay in weerarkaasi ay ku weerareen xarun lagu tababaraye Al-Shabaab.

Dana White oo ah afhayeen u hadashay Wasaaradda Gaashaandhigga Maraykanka ee Pentagon ayaa ka hadashay weerarkii lagu qaaday deegaanka Saakow ee gobolka Jubadda Dhexe.

Miss White waxay sheegtay in 11ka bishan June, saacaddu markii ay ahayd qiyaastii 2 saqda dhexe ka dib ay Wasaaradda Gaashaandhigga ee Marayakanku ay qaadday weerar ka dhan ah ururka Alshabab ee Somalia.

Afhayeenka ayaa sheegtay in weerarku uu ka dhacay qiyaastii 185km dhinaca koonfur-galbeed ee magaalada Muqdisho, iyada oo weerarkaas ay ku dhinteen 8 maleeshiyadii la weeraray ka mid ah

Miss White waxa ay xustay in iskaashi dhex maray Maraykanka iyo dadka ay wada shaqeynta leeyihiin. Talaabadan ayaa afhayeenku sheegtay in jawaab toos ah ay u tahay falalka Alshabab, sida mid dhawaan uu ururku ku qaaday ciidanka Somalia.

Afhayeenka ayaaintaa ku dartay in weerarkan la qaaday iyada oo la raacayo ogolaanshihii madaxweyne Trump ee soo baxay bishii March ee sanadkan 2017, kaas oo ogolaanay in ururka Alshabab lagu weerari karo goobo gaar ah, iyada oo taageero la siinayo ciidanka Somalia.

Afhayeenka ayaa sheegtay in Maraykanku uu sii wadayo taageerada ciidanka ay wada shaqeynta leeyihiin ee Somalia ilaa inta xasilooni iyo amni ay gobolka ka dhalanayaan.