Animation

Akhriso: Nuxurka Khudbadii Xasan Shiikh uu Maanta ka horjeediyay Xildhibaanada Labada Aqal

no responses
Thursday February 2, 2017 - 2:27 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Xasan Sheekh Maxamuud oo kamid ah Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay Waxii u Qabsoomay iyo waxa uu qabanayo haddii mar kale la doorto.

Madaxweyne Xasan ayaa sheegay inuu wax badan qabtay Xilligii uu Madaxweynaha ahaa Afartii Sano islamarkaana wax badan uu qabtay oo ay kamid yihiin Ammaanka iyo Hormarinta Dowladnimada.

Xasan Sheekh ayaa sidoo kale sheegay in Dhanka  Maamul Goboleedyada dhismahooda uu Hormar ka sameeyay islamarkaana Dadka loo dhisay Maamulada loo sameeyay wada hadal iyo Isfahan Buuxa.

Qudbadda Madaxweynaha waxaa kale oo uu ku sheegay in Gobolada Dalka intooda badan laga Xoreeyay Al-shabaab islamarkaana Gudaha Dalka lagu beegsaday Madax ka tirsan Shabaab.

Dhanka Ciidamada ayuu sheegay in wax badan iyadana laga qabtay oo la dhisay Ciidamo isku dhaf ah,Ciidamadana lagu qiimeeyo Darajooyinkooda.

Qudbadda Madaxweynaha ayaa sidoo kale uu ku sheegay in Sharciyo wax looga qabanayo  dhaqaalaha si kor loogu qaado dhaqaalaha Dalka ay sameeyeen oo hadda Sharciyadaas ay jiraan.

Sidoo kale Musharaxa Xasan Sheekh ayaa sheegay in Afartii Sano Dowladiisa la aqoonsaday islamarkaana Safaarado aad u badan ay Soomaaliya ku yeelatay Caalamka.

Wada-hadalka Somaliland ayuu sheegay in loo mari doono Wado na tuseysa Soomaali sidii ay u midoobi laheyd.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in waxyaabaha Dhameystirka u baahan ay kamid yihiin Xasilinta Dalka iyo Nabad Geliyada,waxaana uu sheegay in la furan doono Meelaha ku haray Gacanta Al-shabaab.

Sidoo kale waxaa uu sheegay inuu dhameystiri doono Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay Madaxweyne Xasan inuu dhameystiri doono Maqaamka Magaalada Muqdisho islamarkaana la dhaneystiri doono Dastuurka.

Dhismaha Siyaasadda Qaranka

Waxaa uu sheegay inuu dhameystiri doono Dhismaha Siyaasadda Qaranka si loo gaaro 2020,waxaana uu xusay in 2020 Dalka ay ka dhici doonaan Doorasho Qof iyo Cod ah.