Animation

Akhriso: Nuxurka khudbada Xoghayaha-guud ee UN-ka uu ka jeediyay shirka london

no responses
Thursday May 11, 2017 - 6:41 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

London, 11 May 2017
Marwooyin iyo Mudanayaal,
Muddo laba bilood iyo xoogaa ka hor oo keliya ayaan socdaal ku kala bixiyay magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo si aan ugu kuurgalo dhibaatada bani’aadanimo ee ka jirta Soomaaliya.

Booqashadan ayaan u doortay inay noqoto booqashadeydii ugu horreysay ee aan ku tago goob ka baxsan xarunta markii aan noqday Xoghayaha-Guud, sababtoo ah waxaan si fiican u xusuustaa xaaladdii murugada lahayd ee sanadkii 2011. Weligey ma illoobin burburkii, barakicii, abaartii, macluushii iyo jaha-wareerkii jiray xilligaas.

Waxaan horay u soo arakay markii aan ahaa Ergeyga Sare ee Arrimaha Qoxootiga, anigoo ku sugnaa gudaha Soomaaliya oo kaalmeeynayay dadka ku sugan Dhadhaab oo ku taal Kenya iyo Dollow Ado oo ku taal Itoobiya oo ay jireen duruufo dhab ahaantii aad u adag. Haddii uu jiro sawir aanan weligay nolosheyda hilmaami doonin wuxuu ahaa carruur markiiba dhimanaya, iyagoo la caawin karay, laakiin ay goobta soo gaareen waqti ay xeero iyo fandhaal kala dhaceen.

Bishii Maarso ayaan dib ugu laabtay waxaana weydiiyay dadka inay helayaan gargaarkii ay u baahnaayeen. Waxaan markaas ku baaqay kaalmo caalami ah si looga hortago xaaladda ugu xun.

Hadda Soomaaliya waxay ku sugantahay xaalad u dhexeysa khatar iyo wanaag soo socda.

Halkan London, waxaan xoojin karnaa misaanka oo khatarta u bedeli karnaa badbaado.

Xasillooni siyaasadeed ayaa si isa soo taraysa u hanaqaadaysa. Soomaaliya waxay kordhisay tayadeeda maamul. Waxyaabaha asaaska u ah xasillooni dheeraad ah ayaa la diyaariyay. Laakiin dhammaan guulahan ay gaareen Madaxweynaha iyo Dowladda waa kuwo nugul oo aan adkeyn.

Waxaan u baahannahay maalgashiyo lagu badbaadiyo horumarka la sameeyay isla markaasna degdeg wax looga qabto xaaladda cunno la’aanta ah ee sii kordheysa ee saamaynaysa malaayiin dad Soomaaliyeed ah.

Noloshooda waxaa burburiyay dhibaatooyin halis ah oo is biirsaday oo iskugu jira abaar daba-dheeraatay, saboolnimo baahsan iyo u-nuglaan, waxaana ula sii jirta barakac iyo xasillooni-darrida dalka ka jirta iyo weliba xadgudubyo lagu sameeyo sharciga caalamiga ah ee xilliyada dagaalka iyo sharciga xuquuqul insaanka kuwaasoo la socda weerarrada argagixiso ee dhammaanteen aan ka wada warqabno.

Xasaraddan waxaa ka dhashay in dad gaaraya 6.2 milyan ay soo wajahdo cunno la’aan aad u daran. 439,000 ay qarka u saaranyihiin macluul. 275,000 oo carruur nafaqa la’aan ah ay halis ugu jiraan inay gaajo u dhintaan.

Xilligii roob yaraanta ayaa soo socda. Waxaa la qiyaasayaa in xaaladaha gaajadu ay sii xumaan doonaan bilaha soo socda. Deegaanada aysan roobabka ka di’in ayaa laga yaabaa inayna jirin wax dalag ah gebi ahaanba.

Dadka ka barakacaya guryohooda, barakacayaasha gudaha iyo qoxootiga xudduudaha ka tallaaba labadaba, waa dad sidoo kale si gaar ah ugu nugul marka laga hadlayo ka-badbaadinta xadgudubyada.

Waxaan si gaar ah uga walaacsanahay xadgudubka baahsan ee ku salaysan dheddig-labka, kaas oo inta badan saameeya carruurta, haweenka iyo gabdhaha. Waxay haddaba ku suganyihiin khatar muuqata – iyo tacaddiyo soo noqnoqda, amni darro iyo tacaddiyada xuquuqul insaanka ayaa xaaladda sii xumeynaya.

Hay’adaha Qaramada Midoobay iyo saaxiibada aan jaalka nahay ayaa sare u qaaday oo kordhiyay caawimaadda dhowrkii bilood ee la soo dhaafay. Hadda waxaan kaalmo gaarsiinay dad ku dhow 2 milyan oo ka mid ah 5.5 milyan oo qof oo la qorsheeyay in la gaarsiiyo cunto, lacag caddaan ah, daeweyn nafaqo, adeeg caafimaad, biyo nadiif ah iyo adeegyo lagu badbaadinaayo.

Qaramada Midoobay waxay diyaar u tahay in aan laba jibbaarno dadaalladeena – laakiin jawigu waa mid cakiran oo khatar ah.

Meelaha qaarkood aad bay u adagtahay in gargaar lala gaaro dadka nugul ee u baahan in gargaar lala gaaro – iyo in la xaqiijiyo inay helaan caawimaadka iyo adeegyada ay xaqa u leeyihiin.

Waxaan Dowladda Federaalka ku bogaadinayaa sida ay mudnaanta u siisay gurmadka abaaraha. Waxaan ugu baaqayaa Dowladda iyo dhinacyada kale ee colaadda inay fududeeyaan gargaar baniaadanimo oo degdeg ah oo aan la horjoogsan iyo inay dhowraan waajibaadkooda ku aaddan sharciga caalamiga ah ee waqtiga dagaallada.

Deeqbixiyeyaashu waxay ahaayeen kuwo deeqsi ah. Waxaana doonayaa inaan ugu mahadceliyo arrintaas.

Laakiin waxaan u baahanay wax intaa ka badan – hadda keliya ma aha ee waa waqtiga fog. Baahidu way sii kordheysaa, waana inaan arrintan bedelnaa. Deeqda aad bixinaysaan waxay badbaadin doontaa nolol, waxayna ka hortagi doontaa macluul.

Laakiin waa inaan hadda tallaabo qaadnaa si aan u joojino soo noqnoqoshada jilicsanaanta iyo nuglaanta ee Soomaaliya.

Deeqbixiyeyaashu waa inay taageeraan dadaallada lagu xoojinayo adkeysiga laguna yareynayo baahida waqtiga soo socda. Dadka ku hawlan horumarinta waa inay hawshooda ku fidiyaan dhinacyada nuglaanta iyo khatarta. Saaxiibada ka hawlgala gargaarka baniaadanimo iyo horumarinta ayaa si firfircoon u kordhinaya isku xirkooda iyo iskaashigooda, waana inay xooggooda isu geeyaan si ay qorshe ugu dejiyaan natiijooyin wadajir ah oo yareynaya nuglaanta, hoosna u dhigaya khatarta xasarad cusub oo dhalata mustaqbalka. Donors will have to support efforts to shore up resilience and reduce needs over time.

Hab cusub oo caynkaas oo kale ah oo loo shaqeeyo ayaa isbedel la taaban/miisaami karo ku keeni kara nolosha 6.2 milyan oo Soomaali ah oo ay saameysay xasaradda maanta – iyo weliba jiilasha dhalan doonta/soo socota.

Macluushii sannadkii 2011 famine ee ka dhacday Soomaaliya waxay dishay dad gaaraya 260,000 – oo kala bar oo bar ay ahaan carruur.

Tani waa dhaawac ku yaalla damiirka baniaadanka.

Waqtiganse, waa inaan nolosha dadka badbaadinaa intay goori goor tahay.

Hadda waxaan haysanaa fursad aan ku caawino dadka Soomaaliyeed si ay bog cusub ugu furaan dalkooda iyo adduunkeenaba.

Aad baad u mahadsantihiin.