Animation

Akhriso: Ntiijada Hordhaca ah ee ka soo Baxeysa Doorashada Aqalka Hoose oo Saakay Kismaayo dib uga bilaabatay yaase guuleestay Maanta????

no responses
Tuesday November 22, 2016 - 9:13 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Magaalada Kismaayo e Xarunta KMG ah ee Maamulka Jubbaland waxaa saakay Dib uga Bilaabatay wejiga Seddexaad ee Doorashada Aqalka Hoose ee Jubbaland.

Labadii Maalmood ee Ugu Dambeysay Doorashada Aqalka Hoose ee Jubbaland Hakad ayey Gashay waxaana Maanta dib loo amba qaaday Kuraasta Aqalka Hoose ee dhiman in la doorto.

Ergada doorashada ayaa Maanta u codeeyay Kursiga ugu horeeyo Wejiga Seddexaad ee Aqalka Hoose waxaana kusoo baxay Kursigaas oo ku guuleestay Cali Cusmaan Xersi (Cali Jowhar).

Doorashada Weli wey socotaa Kuraas kale ayaana Hada ay u Codeynaya Ergooyinka Dooranaya Xildhibaanada Aqalka Hoose ee Jubbaland.