Somali News Top News Xulashada K24

AKHRISO:- Muxuu Salka ku hayaa Mooshinka laga gudbiyay Ra’iisul wasaare kheyre?

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Mooshin waxa ay ka waddaan Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre sidda ay Risaala u xaqiijiyeen xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka.

Xildhibaan ayaa maalmihii lasoo dhaafay waday mooshinka, waxaana lagu waddaa in ay saacaddaha soo socda ay u gudbiyaan Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya.

Gudoomiye ku xigeenka koowaad ayaa la gaarsiiyay Saakay Mooshin ka dhan ah Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya dhexdiisa waxaa ka bilaabatay arrimihii Mooshinka, kadib markii Sabtidii todobaadkaan uu furmay kalfadhiga Golaha Shacabka Soomaaliya.

Xiisad siyaasadeed oo aad u kacsan ayaa xilligaan ka jirto Magaalada Muqdisho, xilli sidoo kale ay taagan tahay xasarada Siyaasadeed ee ka dhalatay arrinta Shirkadda DP World.

Wixii kusoo kordha Halkaan kala soco:

Related posts

Kismaayo: Axmed Madoobe oo boqolaal shacab ah la tukaday salaada Ciida

admin

SAWIRRO: Xuutiyiinta oo soo bandhigay khasaarihii ay gaarsiiyeen ciidanka Sacuudiga.

admin

Sawirro: C/wali Gaas oo wata ciidamo aad u fara badan oo shalay gabal dhicii kasoo dagay garoonka Muqdisho

admin